Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

إنا لله وإنا إليه راجعون

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxriistee Xildhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ku geeriyooday magaalada Paris ee Dalka Faransiiska, halkaas oo mudooyinkii dambe uu ku xanuunsanayay.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026

“Innaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun Illaahey ha u naxriisto Marxuum Xildhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ka tirsanaa Golaha Shacabka, waxa uu ahaa Xildhibaan Qaran Sidoo kalena ahaa nabadoon muddo ka soo shaqeeyay Arrimaha dib u heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed oo uu ilaa hadda ka shaqeynayay, Wuxuu ahaa shaqsi ay Qaranimada wax walba kala weyntahay inta badan wakhtigiisana ku bixiyay dhisidda dowladnimada Soomaaliya rabbi naxriistii janno haka waraabiyo dhamaan guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka oo aan afkooda ku hadlaayo, qoyskiisa, eheladiisa iyo sidoo kale guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed samir iyo iimaan Allaha haka siiyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Allaha u naxriistee Guddoomiyihii Guddiga dib u heshiisiinta iyo hanti isku celinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi ayaa sidoo kale ka mid ahaa Xildhibaannadii Baarlamaankii 9-aad, isagoo sidoo kalena horey u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirkii Gaashaandhigga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Canada.

Previous Post

Xildhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ku geeriyooday dalka Faransiiska

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS ayaa waxa ay si rasmi ah ula wadaagaysaa dadweynaha iyo dhammaan daneeyaasha liiska...

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

March 11, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir guddoomiyay kulanka hagista iyo isku dubbaridka mashruuca...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In