Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Cabdullaahi Abyan Nuur

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Cabdullaahi Abyan Nuur
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal Cabdullaahi Abyan Nuur oo caawa ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee Magaaladda Muqdisho.

“Innaa lillaah wa innaa Illeehi raajicuun anigoo ku hadlaya magaca guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Waxaan Qoyskiisa,Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaalka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaal oo Caawa ku geeriyooday Magaaladda” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Related posts

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa shaqsi dalka xilal kala duwan kasoo qabtay islamarkaana uu kaalin weyn kaga jiray dowladnimada Dalka waxa uuna Alle uga baryay Inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo uu Guddoomiye u ahaa iyo gaar ahaan qoyskiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo innaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun.

Allaha ha u naxriistee Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa xilal kala duwan Dalka ka soo qabtay, Isagoo mar noqday Wasiirkii Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) sidoo kale dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer federaa, waxa uuna caawa ku geeriyooday Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.

Previous Post

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo shacabka uga tacsiyadeeyay geerida Cabdullaahi Abyan Nuur

Next Post

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiyaha

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Cabdullaahi Abyan Nuur

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiyaha

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In