Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida AUN Xildhibaan Hore Afaraale

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida AUN Xildhibaan Hore Afaraale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxammed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Xildhibaan hore marxuum Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale)  oo ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho,waxa uuna marxuumka alle uga baryay inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo dhamaan ehelkana,qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

“Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun marxuum Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale illaahey qabrigiisa ha u waasiciyo,kitaabkiisana gacanta midig haka siiyo,wuxuu ahaa oday Soomaaliyeed, nabadoon ah mudo badan waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliyeed,illaahey ha u naxriistee marxuum Afaraale intii uu noolaa waxa uu wakhtigiisa ugu badan geliyay u adeegida dadka iyo dalka Soomaaliyeed,ilaahey hoygiisa janatul fardwosa haka yeelo qoyskiisa,qaraabadiisa iyo dhamaanteenaba samir iyo iimaan allaha ha inaga wada siiyo”ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Illaahey ha u naxriistee Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale ayaa ahaa siyaasi mudo badan ku jiray siyaasadda isagoo inta badan dowladihii dalka soo maray burburkii ka dib ahaa Xildhibaan baarlamaanka soomaaliya ka tirsan waxa ay deegaan doorashadiisu tahay maamulka Koonfur galbeed isagaa si gaar ah u matalayay Degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool oo uu kasoo jeeday.

Allaha ha u naxriistee Xildhibaan hore marxuum Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale ayaa xanuunsanaa  mudooyinkii ugu dambeeyay,waxaana uu ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer oo xaaladiisa lagula tacaalayay.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILLEEHI RAAJICUUN

Previous Post

Shir looga hadlayay Siyaasadda Isboortiga oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Guddoomay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Algeria Dhambaal Uu Uga Siday Madaxweynaha Dalkaas

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Guddoomay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Algeria Dhambaal Uu Uga Siday Madaxweynaha Dalkaas

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Guddoomay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Algeria Dhambaal Uu Uga Siday Madaxweynaha Dalkaas

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In