Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan afurin ah u sameeyay Xildhibaannada Baarlamaankii 8aad iyo 9aad “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan afurin ah u sameeyay Xildhibaannada Baarlamaankii 8aad iyo 9aad “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho-31-05-2018: Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa afur u sameeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid uu Guddoomiyaha kaga mahad celinayay Xildhibaanada howlihii wanaagsanaa oo ay dalka ka soo qabteen iyo iney hada wada shaqeyn dhex marto.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Xildhibaanada ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhibaatooyinkii laga soo maray golahan iyo tallooyinkooda la xiriira sida hada loo sii horumarin karo golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa marka hore xildhibaanada kaga mahad celiyay sida ay usoo ajiibeyn kulanka afurka ee uu u sameeyay.

“Waad mahadsan tihiin soo dhawaada, sharaf weyn ayay ii tahay caawa inan isla afurno waqti badana isla qaadano, xaqiiqdii dalkan howlo muhiim ah ayaa ka soo qabateen, waqti adagna wa ku soo shaqeyseen waana idiinkaga mahad celinayaa doorkii aad ka soo qaadateen dib u yegleelida baarlamaanka” ayuu yiri guddoomiyaha.

“Waxan joogteyn doonaa kulamadiina iyo inan dhageysto talooyinkiina, waxaa idiin balan qaadaya inan bixin doono xuquuqda iyo tixgelinta aad golaha shacabka ku leedihiin” ayuu mar kale yiri guddoomiye Maxamed Mursal.

Kulanka waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad waxa ayna guddoomiyaha ugu mahad celiyeen kulanka afurka ah ee uu u sameeyay.

Sidoo kale waxa ay guddoomiyaha ku dhiira geliyeen in uu sii labo jibaaro dadaalka uu wado, iyo inuu ilaaliyo madax banaanida golaha shacabka.

Kulankan uu guddoomiyaha la qaatay xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad ayaa qeyb ka ah kulamada isbarashada, xog wareysiga iyo latashiga uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiinta iyo wakiilada beesha caalamka ee muqdisho ku sugan.

Kulanka afurka caawa waxaa goobjoog ka ahaa Habdhowraha golaha shacabka mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan “Nuux” iyo Xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi “Buux”.

 ——DHAMAAD——

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Hogganada Ciidanka “Sawirro”

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan afurin ah u sameeyay Xildhibaannada Baarlamaankii 8aad iyo 9aad “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan afurin ah u sameeyay Xildhibaannada Baarlamaankii 8aad iyo 9aad “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan afurin ah u sameeyay Xildhibaannada Baarlamaankii 8aad iyo 9aad "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In