Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wakiilla Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, howlgalada wadajir ah ee AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka ee lagu xasilinayo dalka.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sharciga doorashooyinka ee horyaalla golaha shacabka.

Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa guddoomiye Mursal la wadaagay howlgalada ay wadaan ciidanka AMISOM, waxyaabaha ay u baahan yihiin ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya si loo soo afjaro dagaalka lagula jira Argagixisada.

“Waxaan qiraya in ciidanka AMISOM ay dadaal ku bixinayaan xasilinta iyo nabadeynta guud ahaan dalka iyo sidii Argagixisada loogu guuleysan lahaa, golaha shacabka waxa uu diyaar u yahay inuu idiinku garab istaago shaqooyinka adag ee aad heysaan” ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha guud ee golaha shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi “Buux.

Next Post

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Welcome Back!

Login to your account below

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.