Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo loo doortay Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha shacabka oo loo doortay Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa guddoomiye Baarlamaan u doortay Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxaan kadib markii wareegga labaad ay ku tartameen Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow.

Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa helay codad dhan 147, iyadoo Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow uu isna helay codad dhan 118, waxaana Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Xildhibaan Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey uu ku dhawaaqay in kurgisii Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ku guuleystay Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

“Waxaa codeysay 265 Mudane, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow waxa uu helay 118, cod, halka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu helay 147, waxaa ku guuleystay kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan” ayuu yiri Guddoomiye Muudeey.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow oo khudbad ka jeediyay ayaa ugu hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka sida uu ugu guuleystay kursiga, waxaana uu Mudanayaasha uga mahadceliyay sida huftaanta leh ee ay ku dhacday doorashada.

Xildhibaanka ayaa balan qaaday in uu la shaqeyn doono Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhamaan Xildhibaannada doortay iyo kuwa aan dooran u mahadceliyay, isagoo xusay in uu si dhaw ula shaqeyn doono dhamaaan Xildhibaannada Golaha Shacbaka.

“Waxaan hortiina ku balan qaadayaa inaan ilaalin doono sharciga oo aan kursigan ugu shaqeyn doono Danta, Dalka, Diinta iyo Dadka, kuna dhaqmi doono dastuurka dalka” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Doorashada Baarlamaanka oo ay ku tartameen 11 musharax ayaa wareeggii koowaad waxaa ka soo gudbay ilaa iyo Afar musharax kuwaasi oo kala ahaa Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo helay 83-cod, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo helay 69-cod, Xildhibaan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen 54-cod iyo Xildhibaan Shariif Maxamed Abdalla oo isna helay 19-cod.

Previous Post

Musharax Shariif Maxamed Abdalla iyo C/casiis Laftagareen oo ka tanaasulay wareega labaad ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Next Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo u hambalyeeyay Gudddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo u hambalyeeyay Gudddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo u hambalyeeyay Gudddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In