Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo loo doortay Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha shacabka oo loo doortay Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa guddoomiye Baarlamaan u doortay Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxaan kadib markii wareegga labaad ay ku tartameen Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow.

Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa helay codad dhan 147, iyadoo Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow uu isna helay codad dhan 118, waxaana Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Xildhibaan Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey uu ku dhawaaqay in kurgisii Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ku guuleystay Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

“Waxaa codeysay 265 Mudane, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow waxa uu helay 118, cod, halka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu helay 147, waxaa ku guuleystay kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan” ayuu yiri Guddoomiye Muudeey.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow oo khudbad ka jeediyay ayaa ugu hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka sida uu ugu guuleystay kursiga, waxaana uu Mudanayaasha uga mahadceliyay sida huftaanta leh ee ay ku dhacday doorashada.

Xildhibaanka ayaa balan qaaday in uu la shaqeyn doono Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhamaan Xildhibaannada doortay iyo kuwa aan dooran u mahadceliyay, isagoo xusay in uu si dhaw ula shaqeyn doono dhamaaan Xildhibaannada Golaha Shacbaka.

“Waxaan hortiina ku balan qaadayaa inaan ilaalin doono sharciga oo aan kursigan ugu shaqeyn doono Danta, Dalka, Diinta iyo Dadka, kuna dhaqmi doono dastuurka dalka” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Doorashada Baarlamaanka oo ay ku tartameen 11 musharax ayaa wareeggii koowaad waxaa ka soo gudbay ilaa iyo Afar musharax kuwaasi oo kala ahaa Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo helay 83-cod, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo helay 69-cod, Xildhibaan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen 54-cod iyo Xildhibaan Shariif Maxamed Abdalla oo isna helay 19-cod.

Previous Post

Musharax Shariif Maxamed Abdalla iyo C/casiis Laftagareen oo ka tanaasulay wareega labaad ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Next Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo u hambalyeeyay Gudddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo u hambalyeeyay Gudddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo u hambalyeeyay Gudddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In