Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay Guddi u kuur galaya fatahaadaha, kuna baaqay joojinta dagaalka Tukaraq

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay Guddi u kuur galaya fatahaadaha, kuna baaqay joojinta dagaalka Tukaraq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa maanta looga hadlay Dagaaladda maalmihii lasoo dhaafay kasoo xusboonaaday Deegaanka Tukaraq,wax ka qabashada fatahaadaha ay sameeyeen wabiyada Dalka iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha kalfadhigan iyo kan xiga horyaala golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq in wax walba ay wada hadal ku dhameeyaan, loona turo shacabka lagu kor dagaalamayo.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Sidoo kale guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  ayaa si waafaqsan qodobka 56 ee xeer hoosaadka golaha shacabka guddi uu heerkiisu sareeyo oo ka kooban sagaal xubnood u magacaabay saameynta fatahaadaha wabiyada dalka ay ka geysteen meelaha ay maraan si guddigan ay ugu kuur galaan xaalada dhabta ah ee deegaanada fatahaadaha ay saameeyeen waxaana guddigan guddoomiye ka ah Mudane C/wali sheikh Ibraahim Muudey oo ah guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Gudoomiyaha golaha shacabkaayaa ugu dambeyn kormeer shaqo ku tagay golaha shacabka oo todobaadkii labaad ay ka socdaan howlo dayactir ah,waxaana kormeerkiisa ku wehliyay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka, habdhowraha golaha iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka.

Previous Post

Golaha Wasiirada oo ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada+Sawirro

Next Post

Akhriso:- Isku aadka Wareegga 1aad ee Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadaan ee warbaahinta Qaranka

Next Post

Akhriso:- Isku aadka Wareegga 1aad ee Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadaan ee warbaahinta Qaranka

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In