Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka 5-aad kalfadhiga 3-aad ee Golaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka 5-aad kalfadhiga 3-aad ee Golaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 5-aad ee ajandihiisu ahaa hadal jeedinta warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka kulamadii aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS iyo akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiye ku-xigeenka  Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, waxaana marka hore mooshin ku saabsan warbixin magalada Baraawe soo jeediyay 16 Xildhibaan, si loo qaboojiyo xiisadda colaadeed ee ka tagaan Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed. Waxaana uu Guddoomiye sheekh Aadan Madoobe sheegay in loo saari doono guddi warbixin ka soo diyaariya.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo hadal ka jeediyay fadhiga maanta ayuu kaga hadlay qodob muhiim ah oo ay ka mid yihiin in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka inta lagu guda jiro kalfadhigan 3-aad, waxaana uu sheegay in todobaadkan Gudigga Joogtada ay la shireen Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyagoo iska xog-wareystay wada-shaqeynta iyo sidii loo bilaabi lahaa kor joogteeynta iyo la xisaabtanka hay’adada dowladda, waxaana ay isla qaateen in Golaha Wasiirada mid mid  loogu yeero lana bilaabi doono todobaadyada soo aaddan su’aalooyina lagu weeydiin doono Golaha hortooda.

Dhanka kale fadhiga Golaha ayaa looga hadlay akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dood dheer ka yeeshay xaquuqda dadka ka tirsan shaqaalaha dowladda marka ay howlgabka noqdaan.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo furay Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo furay Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo furay Shirweynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka "SAWIRRO"

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In