Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka Golaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka Golaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo ahaa kalfadhiga shanaad kulankiisa shanaad waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 145-Xildhibaan, waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya oo uu soo diyaariyay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, waxaana Xildhibaannada ay qodob qodob uga doodeen hindise sharciyeedkan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026

Dhinaca kale waxaa jiray xildhibaano ka tirsan golaha oo guddoonka golaha u gudbiyay mooshin ama soo jeedin ku saabsan Hubka sharci darada ah, dagaalada sokeeye iyo dhowrista xasaanadda Xildhibaannada, kaasoo ay saxiixeen 18-Xildhibaan, waxaana soo jeedintan Golaha ka akhriyay Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamadiid.

Intaasi ka dib, xildhibaanada Golaha oo cod u qaaday soo jeedintan ay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha saxiixeen ayaa ogolaaday in ajendaha kulanka maanta lagu daro.

Doodda la xiriirta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya markii ay soo gaba gabowday ka dib ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo kulanka soo xiray waxa uu sheegay in hindise sharciyeedka xeerka shaqada ee maanta Xildhibaannada ka doodeen dib loogu celinayo Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha, si uu ugu soo daro dooda iyo fikradaha Xildhibaannada islamarkaana uu usoo diyaariyo akhrinta sedaxaad dibna Golaha ugu soo celiyo.

Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loo qeybiyay warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyadeeyay geerida Caalimka weyn ee Sheekh Cismaan Xidig

Next Post

Shacabka Degmada Xudur oo wajahaya xaalad adag oo dhanka Nolosha ah

Next Post
Shacabka Degmada Xudur oo wajahaya xaalad adag oo dhanka Nolosha ah

Shacabka Degmada Xudur oo wajahaya xaalad adag oo dhanka Nolosha ah

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In