Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa maanta u ambabaxay dalka Turkiga halkaas oo uu uga qeyb gali doono shir soconaya mudo seddex maalmood ah.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Turkiga waxaa uu uga qayb gali doonaa shir ay isugu imaanayaan madaxda Baarlamaanada wadamada Islaamka, asagoo sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda baarlamaanka dalkaasi.