Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha G/Sh Dhexe oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameysay biyo la’aanta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dad ay biyo la’aan haysato
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe oo booqday qaar ka mid ah deegaannada uu maro webiga gobolkaasi ayaa ku baaqay in si deg deg ah loogu gurmado dadka ay saameysay biyo la’aanta ka jirta gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdullahi Xuseen oo saxaafada kula hadlay jiinka  Webiga Shabeelle ayaa tilmamay inay jiraan abaaro xooggan oo saameyn ku yeeshay dadka ku dhaqan  qaar ka mid ah degmooyinka ku yaalla gobalka Shabeellaha Dhaxe oo ay ka midtahay degmada Cadale iyo kuwa kale, kadib markii uu guray biyaha Webiga Shabeelle.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Guddoomiye Guudlaawe ayaa sheegay in biyo la’aantu ay sababtay in ay ka dhashaan cuduro sida shuban biyoodka oo ay carruur ugu geeriyoodeen tuulada Maandheere oo ka tirsan tuulooyinka hoos yimaado degmada Jowhar.

Guddoomiyaha gobolka Shabelaha dhexe ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in kaalmo beni’aadanimo la soo gaarto dadka ku dhaqan degmooyinka isagoo si gaar ah ugu baaqay guddiga Gurmadaka Abaaraha ee dhowaan magacaawday Wasaaradda Arimaha gudaha in ay gargaar gaarsiiyaan dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Guud ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa laga dareemayaa jiilaalka dheeraaday waxaana biyo la’aan soo wajahday kumanaan qoys oo ku nool tuulooyinka ku teedsan hareeraha Webiga Shabelle, kuwaasi oo xilligan u baahan

 

 

Previous Post

Madaxweynaha oo maamulka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kula dardaarmey adkeynta amniga+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In