Guddoomiyaha Guddiga Hirgalinta Dorashooyinka Heer Federaal mudane Maxamed Xasan Ciro oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Guddiga hirgalinta Doorashoyinka heer Federaal iyo Heer Maamul Gobaleed ee Puntland ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka booliska Puntland Sareeyo Guuto Cabdi Xasan Xusen (Cabdi Yare) iyo saraakiisha kala duwan ee taliska Guud ee Ciidamada Booliska Puntland.
Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayay habka ay ciidanka Booliska Puntland ugu diyaar garoobeen sugidda amniga doorashada Soomaaliya, waxaana ka qayb galay Talyaha Ciidanka Booliska Puntland, ku-xigeenkiisa, Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal, Guddiga Doorashadda ee heer Puntland iyo saraakiisha sugaysa amniga Doorashada heer Fedaraal.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sareeyo Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa Guddiga Doorashadda ee heer Federaal uga warbixiyay sida ay ugu diyaar garoobeen sugidda amniga Doorashada Xilibaannada Golaha Shacabka ee Soomaaliya ee la filayo in ay ka dhacdo magaalooyinka Garowe iyo Boosaso, isagoo sheeegay in dhammaan ciiidanka loogu talagay sugidda amniga Doorashada ay heegan buuxa ku jiraan.
Guddoomiyaha guddiga Doorashada heer Fedwraal mudane Maxamed Xasan Ciro ayaa Talyaha Ciidanka Booliska Puntland, ku-xieenkiisa iyo Ciidanka Booliska ku amaanay sid a hagar la’aanta ah ay xil isaga saareen sugidda amniga Doorashada, isagoo ku dhiiri galiyay in ay halkaas shaqada ka sii wadaan.