Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka,Marwo Safiya Xasan Maxamed ayaa kulan gaar ah la qaadatay Madaxa Bisha Cas Turkiga ee Soomaaliya mudane Şerif Şimşek.
Kulankaan ayaa ahaa mid looga hadlayay sidii loo garab istaagi lahaa dadka Barakacyaasha ah, Qaxootiga iyo magangalyadoonka ku sugan gudaha dalkeenna.
Ujeedka kulanka ayaa ah sidii wax loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac iyo in wax loo qabto qoysaska barakacayaasha iyo kuwa Qaxootiga ku ah gudaha Soomaaliya, maadaama la guda galay xilli roobaadka Gu’ga.