Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo soo dhaweysay muwaadiniin dalkooda lagu soo celiyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo soo dhaweysay muwaadiniin dalkooda lagu soo celiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) Marwo Safiya Xasan Maxamed ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ku soo dhaweysay 109 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo maanta dalkooda dib loogu soo celiyay, kadib waqti dheer oo ay dalka Yemen Qaxooti ku ahaayeen.

Dadkan oo isugu jiray Carruur, Dumar, Waayeel iyo dhallinyaro ayaa soo celintooda waxaa iska kaashaday Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, UNHCR iyo IOM Xafiisyadooda Soomaaliya.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Muwaadiniinta dalkooda ku soo laabtay ayaa sheegay inay la kulmeen daruufo badan oo aad u xooggan oo ay wajaheen intii ay joogeen xeryaha Qaxootiga Yemen. Muwaadiniinta ayaa u mahadceliyay Dowladda Soomaaliyeed oo dedaal ku bixisay sidii dadka Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Qaxootiga dalkooda dib loogu soo celin lahaa.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa sheegtay inay dedaal badan ku bixinayaan samata bixinta dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay dalka ku soo laabtaan.

Guddoomiye Safiya ayaa xustay inay si dhaw ula socon doonta nolasha dadka dalka dib loogu soo celiyay.

 

Previous Post

Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka wada hadlay dhameystirka heshiiskii Ankara

Next Post

Wasiirka Xanaannada Xoolaha XFS oo furay shirka Wadatashiga Qarnijirka 2060

Next Post
Wasiirka Xanaannada Xoolaha XFS oo furay shirka Wadatashiga Qarnijirka 2060

Wasiirka Xanaannada Xoolaha XFS oo furay shirka Wadatashiga Qarnijirka 2060

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In