Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo khudbad ka jeediyay meertada 6-aad ee Shirka Madal-goboleedka Carabta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo khudbad ka jeediyay meertada 6-aad ee Shirka Madal-goboleedka Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo hoggaaminaya waftiga dowladda Soomaaliya ee dalka Kuwait kaga qeyb-galaya meertada 6-aad ee Shirka Madal-goboleedka Carabta ee Yareynta Khataraha Musiibooyinka (Arab Regional Platform for Disaster Risk Reduction) ayaa madasha ka jeediyay khudbadda iyo farriinta Soomaaliya ee shirka ku aaddan.

Guddoomiyaha ayaa khudbadiisa ku faahfaahiyay xaaladaha yareynta khataraha musiibooyinka ee Soomaaliya iyo caqabadaha u baahan in wax laga qabto si loo xaqiijiyo tiirarka heshiiska Sendai Framework 2015-2030. Wuxuu sidoo kale la wadaagay ka qeyb-galayaasha waayo-aragnimada Soomaaliya ee la tacaalidda musiibooyinka iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026

Sidoo kale, Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa dhankiisa guddoomiyay shir doceed looga hadlay heerka ay dalalka Carabtu ka marayaan fulinta axdiga Sendai Framework for DRR 2015-2030. Shirkan ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka dalalka Carabta ee ku aadan fulinta heshiiska iyo yaraynta khataraha masaa’ibta.

Dhanka kale, Agaasimaha Waaxda Yaraynta Khataraha Masiibooyinka ee SoDMA Md. Khadar Sh. Maxamed ayaa ka qeyb galay doodo lagu falanqaynayay arrimaha khasaaraha iyo waxyeellada ay sababaan isbadalka cimilada, halka madaxa Genderka ee Hay’adda SoDMA, Xalima Yuusuf Sheekh Xasan ayaa fadhi looga doodayay u adkaysiga aafooyinka ku soo bandhigtay warbixin ku saabsan sidii loo dhisi lahaa adkaysiga bulshada u nugul musiibooyinka sida dumarka, caruurta iyo dadka da’da ah.

Previous Post

Madaxweyne Xasan oo sagootiyay ciidamo si gaar ah u tababaran

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay shirweynaha Ururrada Shaqaalaha

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay shirweynaha Ururrada Shaqaalaha

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay shirweynaha Ururrada Shaqaalaha

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In