Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo khudbad ka jeediyay meertada 6-aad ee Shirka Madal-goboleedka Carabta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo khudbad ka jeediyay meertada 6-aad ee Shirka Madal-goboleedka Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo hoggaaminaya waftiga dowladda Soomaaliya ee dalka Kuwait kaga qeyb-galaya meertada 6-aad ee Shirka Madal-goboleedka Carabta ee Yareynta Khataraha Musiibooyinka (Arab Regional Platform for Disaster Risk Reduction) ayaa madasha ka jeediyay khudbadda iyo farriinta Soomaaliya ee shirka ku aaddan.

Guddoomiyaha ayaa khudbadiisa ku faahfaahiyay xaaladaha yareynta khataraha musiibooyinka ee Soomaaliya iyo caqabadaha u baahan in wax laga qabto si loo xaqiijiyo tiirarka heshiiska Sendai Framework 2015-2030. Wuxuu sidoo kale la wadaagay ka qeyb-galayaasha waayo-aragnimada Soomaaliya ee la tacaalidda musiibooyinka iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Sidoo kale, Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa dhankiisa guddoomiyay shir doceed looga hadlay heerka ay dalalka Carabtu ka marayaan fulinta axdiga Sendai Framework for DRR 2015-2030. Shirkan ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka dalalka Carabta ee ku aadan fulinta heshiiska iyo yaraynta khataraha masaa’ibta.

Dhanka kale, Agaasimaha Waaxda Yaraynta Khataraha Masiibooyinka ee SoDMA Md. Khadar Sh. Maxamed ayaa ka qeyb galay doodo lagu falanqaynayay arrimaha khasaaraha iyo waxyeellada ay sababaan isbadalka cimilada, halka madaxa Genderka ee Hay’adda SoDMA, Xalima Yuusuf Sheekh Xasan ayaa fadhi looga doodayay u adkaysiga aafooyinka ku soo bandhigtay warbixin ku saabsan sidii loo dhisi lahaa adkaysiga bulshada u nugul musiibooyinka sida dumarka, caruurta iyo dadka da’da ah.

Previous Post

Madaxweyne Xasan oo sagootiyay ciidamo si gaar ah u tababaran

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay shirweynaha Ururrada Shaqaalaha

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay shirweynaha Ururrada Shaqaalaha

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay shirweynaha Ururrada Shaqaalaha

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In