Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ka furay shir muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ka furay shir muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka daah-furay shirka yareynta khatarta abaarta ku dhufatay Soomaaliya.

Shirkan oo loogu gogol xaarayo yagleelidda qorshe lagu yareeynayo khatarta abaarta ee haatan ka jirta Soomaaliya, isla markaana socon doono muddo 5 cisho ah oo ay wadajir u soo qaban qaabiyeen Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo Hay’adda nidaamka ceymiska abaaraha ee Afrika ee loo soo gaabiyo ARC ayaa waxaa ka qeybgalay Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle, xubno ka socday ARC, mas’uuliyiin ka tirsan START NETWORK oo wada shaqeyn dhow la dheh SoDMA.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Guddoomiye Maxamuud ayaa tilmaamay in shirkan oo socon doono muddo shan cisho ah ay maalmaha soo socda ku soo biiri doonaan xubno ka socda Hay’addaha dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wafdi ka socda Baarlamaanka JFS iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Soomaaliya ay ku biirtay nidaamka ceymiska abaaraha ee Afrika ee loo soo gaabiyo ARC sanadkii 2021-ka kadib markii ay buuxiyeen shuruucdii ku biirista, isagoo intaa ku daray in qorshuhu yahay sidii Soomaaliya loo siin lahaa lacago magdhow ah oo la xiriirta abaarta ku dhufatay Dalkeenna.

 

Previous Post

Tartamayaasha Buur-hakaba oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay hoggaanka howlgallada Ciidanka Cirka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay hoggaanka howlgallada Ciidanka Cirka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay hoggaanka howlgallada Ciidanka Cirka

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In