Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi kaga qayb galay shir muhiim ah

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi kaga qayb galay shir muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ka daah-furay shir maqaamkiisu sarreeyo oo lugu falanqeynayay dhammeeystirka iyo fulinta geedi socodka hindisaha sidii bulshada looga haqabtiri lahaa digniinaha halis-wadareedka (EW4ALL) kana kooban afar tiir oo muhiim ah.

Ajandaha shirka labada maalmood ah lugu falanqeyay ayaa ah, sidii loo dhammeeystiri lahaa loona buuxin lahaa gaabiska iyo dul-duleellada ka jira nidaamka qaran ee bixiya digniinaha halis-wadareedka (NMHEWC) si loo gaaro yoolka la dajiyay ee badbaadinta nolosha iyadoo loo marayo nidaamka digniinta ugu horrayso ee khatarta badan leh ee Soomaaliya kaas oo ay hay’adda SoDMA dowladda mas’uul uga tahay taaba-gelinta geedi-socodka iyo dhameeystirka hindisahan (EW4ALL).

Related posts

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

Shirkan wadatashiga ah waxaa soo qaban qaabiyay Hay’adda UNDRR, sidoo kale waxaa shirkan ka soo qeyb galay hay’addaha kala ah UNDP, UNDRR, FAO, WMO,UNFPA, UNHCR, World bank, CIMA Research Foundation iyo saraakiil ka kala socday Wasaaraddaha iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda Federalka Soomaaliya.

Nidaamkan digniinta hore ee khatarta ee Soomaaliya, ayaa u horseedaya dalka dariiq hore loogu soconayo oo lagu gaari doono nidaam bixiya digniinta halis-wadareedka oo wax ku ool ah iyada oo loo marayo hoggaanka SoDMA taas oo looga gol-leeyaha in khatarta halista la saadaaliyay ee soo socota digniinteeda looga haqab-tiri lahaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu soo dhaweeyay Dagmada Aadan-Yabaal 

Next Post

Xubno ka socda Wasaaradda Caafimaadka oo Tababar uga Furmay Shiinaha 

Next Post
Xubno ka socda Wasaaradda Caafimaadka oo Tababar uga Furmay Shiinaha 

Xubno ka socda Wasaaradda Caafimaadka oo Tababar uga Furmay Shiinaha 

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay...

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay  Dable NISA Mukhtaar Shakuur

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo dil toogasho ku xakuntay Dable NISA Mukhtaar Shakuur

March 14, 2026
0

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka Marxuum Fatxi Cabdullahi Cabdi oo dhacay Taariikhdu markii ay aheyd Lix...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In