Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay inay kaalmo gaarsiinayaan goobaha khawaarijta laga xoreeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay inay kaalmo gaarsiinayaan goobaha khawaarijta laga xoreeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta waxa uu kormeeray keydka ama Baqaarka xarunta dhexe ee SoDMA oo ay ku jiraan qeybaha kala duwan ee Raashinka, Daawooyin iyo Dhar taas oo loogu talagalay in dhawaan loo daabulo deeganadii khawaarijta laga saaray iyo kuwa maalmaha soo socda laga xoreyn doono.

Guddoomiye Maxamuud ayaa sheegay in ka hay’add ahaan ay u diyaar garoobeen sidii gargaar u gaarsiin la hayeen Magaaloyinka iyo deegaannada Gobolada dalka ee dhawaan laga xoreyn doono khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab oo ay ugu horeyo Magaalada Ceelbuur.

Related posts

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026

Guddoomiyaha ayaa sheegay in marwalba ay ka go’antahay u gargaarida bulshada Soomaaliyed waxaana u sheegay in malamaha soo socdana gargaar mucaawino ah ay u daabuli donaan  Magalaada Lascaanood, oo shacab badan oo dagaalada halkaas ka socda saameen ka soo gaartay ay tubanyihiin banaanka Magaaladaas,

Guddoomiye Maxamuud ayaa ugu baaqay  Shacabka Soomaaliyeed  in ay ka qeyb qataan gurmadka loo fidinayo walalaha Soomaaliyeed ee dhibatada muddada badan ay ku hayeen argagixisada Al-shabaab.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka oo Shahaado Sharaf Guddoonsiisay Agaasimaha Hay’ada (ICAO)

Next Post
Wasiirka Wasaaradda Gadiidka oo Shahaado Sharaf Guddoonsiisay Agaasimaha Hay’ada (ICAO)

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka oo Shahaado Sharaf Guddoonsiisay Agaasimaha Hay’ada (ICAO)

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In