Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho waxa uu ka daahfuray Shirka Ansixinta qorshaha istiraatiijiyadda shanta sano ee soo socta ee hay’adda SoDMA 2024 ilaa 2029.
Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay oo aaladda fogaan aragga ah ee Zoomka uga qaybgalay Qaar kamid ah Wasiirada Gargaarka dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Wakiilo ka socday Maamulka Jubbaland, hay’addaha deeq Bixiyaasha ah ee xiriirka dhaw la leh SoDMA, waxaana shirkan si gaar ah looga tashanayey waxqabadka hay’adda shanta sano ee soo socta.
Shirkaan ayaa waxaa lagu ansixiyay waxqabadka istiraatiijiyadda hay’adda u qorshaysan, taas oo lixdii bilood u dambaysay ay waday latishayadeeda ay la qadanayso qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka, beesha caalamka iyo Wasiirada gargaarka dowlad goboledyada.