Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, iyaga oo ku kulmay xarunta dhexe ee Hay’adda si ay uga wada hadlaan xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay dagaallada kooxda Khawaarijta ee ka socda deegaanada Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne-ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa kulanka kaga warbixiyay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta gobolka, isagoo xusay in colaadahii dhawaan dhacay ay sabab u noqdeen barakaca in ka badan 60,000 oo qof. Dadkaasi ayaa wajahaya duruufo adag oo ay kamid yihiin:

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026

• Hoy la’aan

• Cunto yari

• Biyo la’aan

Barakacayaasha ayaa intooda badan ku sugan magaalada Baladweyne iyo deegaanada ku xeeran, iyaga oo u baahan gargaar degdeg ah si ay uga badbaadaan xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamed Macalin Cabdille, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan xaaladda, isagoo ballan qaaday in hay’addu ay si dhaqso leh uga jawaabi doonto baahiyaha taagan:

“Waxaan ku hawl-gali doonaa dadaal iyo waqti ku filan si gargaar degdeg ah loogu gaarsiiyo dadka xaaladdoodu halis tahay,” ayuu yiri.

Labada mas’uul waxay si wadajir ah ugu baaqeen hay’adaha samafalka iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah iyo kuwa gudaha in ay si firfircoon uga qeyb qaataan gurmadka, iyagoo soo jeediyay in la dhiso hannaan iskaashi oo mideysan si wax looga qabto baahiyaha dadka ay colaaduhu saameeyeen.

Sidoo kale, waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku-xirnaanta u dhaxaysa hay’adaha dowladda iyo kuwa samafalka, si loo waafajiyo qorsheyaasha iyo howlaha gurmadka bini’aadantinimo.

Previous Post

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

Afur Diblomaasiyadeed: “Horumarka Soomaaliya”.

February 27, 2026
0

Iyadoo la qaadanayo hal-ku-dhigga “Horumarka Soomaaliya”, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa martigeliyay Afur heer...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In