Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Guddoomiyaha tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo si rasmi ah u soo xiray tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Guddoomiyaha tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo si rasmi ah u soo xiray tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Mudane Yaxye Cali Faarax ayaa caawa si rasmi ah u soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 30 degmo oo ka kala tirsan 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah gobollada dalka.

Related posts

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026

Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa ka kaloo ka qeyb galay xubno ka tirsan Guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, Agaasime ku-xigeenka Telefishinka Qaranka Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Orange).

Mudane Cabdullaahi Muxudiin Codka oo ka mid ah xubnaha guddiga ayaa ugu horeyn ku soo dhaweeyay Wakiilada Tartamayaasha Degmooyinka Kismaayo iyo Yaaqshiid, kuwaasi oo ka mahadceliyay sida wanaagsan ee uu tartanka u dhacay, iyagoo si wada jir ah u qiray inay aad ugu qanacsanyihiin hannaanka uu tartanka ku bilowday, kuna soo dhamaaday, ayna u mahadcelinayaan Madaxda iyo howlwadeennada Warbaahinta Qaranka, gaar ahaan guddiga tartanka.

Ismaaciil Mukhtaar Cumar Orange oo ah Agaasime ku-xigeenka Telefishinka Qaranka ahna Tifaftiraha guud ee Telefishinka ayaa sheegay in Warbaahinta Qaranka ay diyaar u tahay markasta xalinta tabashooyinka ay qabaan tartamayaasha,

Mudane Ismaaciil Orange “Waxaan  u mahadcelinayaa intii ka qeyb qaadatay iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tartamayo, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa dadweynihii fariinta gaaban su’aalaha uga qeyb qaatay ee kala joogay gudaha dalka iyo dibadiisa, waxyaabaha dhaxalka ah ee ay Warbaahinta Qaranka ka faa’iidey waxaa ka mid ah in dadku ay buugaag ka sameeyaan tartanka, dhamaan Hambalyo intii ka qeyb gashay iyo kuwii caawa guuleystay intuba”.

Guddoomiyaha tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Mudane Yaxye Cali Faarax ayaa sheegay in sanadkan la qabtay tartankii ugu balaarnaa marka loo eego dhanka ku baahinta baraha bulshada ee Warbaahinta Qaranka, isagoo mahadcelin u jeediyay ka qeyb galayaasha tartanka oo ahaa 30 degmo.

“Waxaan hambalyo u dirayaa tartamayaasha ka qeyb galay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa tartamayaasha kala galay kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad oo kala ah Kismaayo oo tartanka ku guuleysatay, Yaaqshiid oo kaalinta 2aad gashay iyo Warta Nabadda oo kaalinta saddexaad soo tiigsatay sanadkii labaad oo xiriir ah, kuwaasi oo ka kala tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Benaadir”. ayuu yiri Yaxye Cali Faarax.

Guddoomiye Yaxye ayaa xusay in tartankan uu soo socday muddo 11 sanno ah, isagoo si gaar ah u mahadceliyay Macalimiinta Soomaaliyeed iyo howlwadeennada tartanka ka qeyb qaatay iyo dadweynaha Soomaaliyeed oo waqti ku bixiyay inay kala socdaan Telefishinka iyo Raadiyaha Qaranka iyo sidoo kale baraha bulshada ee Warabaahinta Qaranka.

Mudane Yaxye Cali Faarax ayaa tilmaamay in waqti cayiman la bixin doono abaal marinada tartanka gaar ahaan 17-ka bisha May.

 

Previous Post

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa ku guuleystay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Gelaya Caleemo-Saarka Madaxweynaha Uganda

Next Post
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Gelaya Caleemo-Saarka Madaxweynaha Uganda

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Gelaya Caleemo-Saarka Madaxweynaha Uganda

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In