Guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Shabeellaha dhexe marwo Madiino Caddoow Coloow oo la hadashay Radio Muqdisho ayaa sheegtay in haweenka gobolka ay ka qeybqaataan horumarrada kala duwan ee la xiriira nolosha bulshada, iyadoo intaasi raacisay in haweenka gobolku ay isku xiranyihiin islamarkaana ka shaqeeyaan dhinacyada nadaafadda, wacyigelinta, nabadeynta, ganacsiga iyo wax soo saarka.
Marwo Madiino Caddoow Coloow ayaa xustay in Haweenka gobolka aysan helin koontadii ay ku lahaayeen golayaasha deegaanka, iyadoo tibaaxday in ay si nidaam ah ku raadsan doonaan xuquuqdooda, waxeyna ugu baaqday odayaasha xulaya xubnaha golaha deegaanka in ay xaqiijiyaan koontada Haweenka.
Halkan hoose ka dhageyso