Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

 Guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta Gobalka Mudug oo la doortay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
 Guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta Gobalka Mudug oo la doortay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Munaasabadan lagu dooranayay guddoomiyaha cusub ee ururka Suxufiyiinta Gobalka Mudug ee Galmudug  ayaa lagu qabtay Hotelka Embassy ee magaalada Gaalkacyo, waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyinta Maamulka Degmada Gaalkacyo, Ururrada Haweenka, Dhallinyarada, Suxufiyiinta ka howlgala Gobalka Mudug iyo Wariyayaal ka socda Gobalka Galgaduud..

Related posts

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Baydhabo kula kulmay Odoyaasha dhaqanka

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Baydhabo kula kulmay Odoyaasha dhaqanka

April 4, 2026

Hogaanka Ururka Suxufiyiinta Gobalka Mudug ee Galmudug oo  ay ku loolamayeen labo musharax oo kala ahaa Liibaan Cajiib Xaaji iyo Burhaan Cabdullaahi Xaashi oo ahayd mid wariyayaashu codkooda ku dhiibanayeen hab qarsoodi ah ayaa markii ay codbixintu soo idlaatay waxaa natiijada  ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Liibaan Maxamed Cali Kuuriya oo isagu sheegay in codadkooda ay dhiibteen 24 xubnood,  waxaana uu ka dhawaaqay sida loogu kala guuleeystay, waxaana natiijadii ay noqatay  musharax Liibaan Cajiib Xaaji oo helay 6cod halka musharaxa burhaan C/laahi Xaashi uu helay 16 cod, waxaana khasaaray laba cod  sidaa darteed waxaa ku guuleeystay guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Gobalka Mudug ee Galmudug Burhaan C/laahi Xaashi.

Ku dhawaaqida natiijada kaddib waxaa dareenkooda ka hadlay musharixii laga guuleystay iyo guddoomiyihii la doortay ugu horeeyna Liibaan Cajiib Xaaji oo ahaa musharixii laga guuleeystay ayaa sheegay inuu soo dhaweeynayo natiijada doorashada uuna la shaqeey doono guddoomiyaha la doortay.

Guddoomiyaha la doortay Burhaan C/laahi xaashi ayaa isna dhankiisa sheegay in uu xoogga saari doono sidii loo horumarin lahaa aqoonta saxafiyiinta, isla markaana ay bulshadooda ugu adeegaan si hufan oo wadaniyadii ku jirto, isagoo dhanka kalena ugu hambalyeeyay musharixii laga guuleeystay howl karnimada shaqo ee lagu bartay

Ugu danbeeyna waxaa halkaasi  qudbad muhiima ka jeediyay guddoomiyaha degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre, waxaana uusoo dhaweeyay doorashada guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Gobalka Mudug taasoo uu xusay in ay wax weyn kusoo kordhin doonto qaabka wada shaqeeyneeyd ee Saxafiyiinta iyo Maamulka.

 

1 2 3 4 5 6 7 8 10

W/D=Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (Gaalkacyo)

Previous Post

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Nadaamka mideysan ee shatiyada Isgaarsiinta dalka

Next Post

Wasiirka Amniga oo magacaabay guddi ka soo talo bixiya tayaynta booliska

Next Post

Wasiirka Amniga oo magacaabay guddi ka soo talo bixiya tayaynta booliska

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Baydhabo kula kulmay Odoyaasha dhaqanka

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Baydhabo kula kulmay Odoyaasha dhaqanka

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kulan la-qaatay odayaasha dhaqanka kuwaas oo uu kala kulmay...

Cali Cabdulaahi oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed

Cali Cabdulaahi oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed

April 4, 2026
0

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Cali Cabdulaahi Isaaq u-magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowlad...

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

Ciidanka Hay’adda NISA oo war ka soo saaray hawlgallo qorshaysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In