Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Shacabka BJFS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Shacabka BJFS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliy ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa 13-aad, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guntanka ama kooramka kulanka Xildhibaannada oo ku furmay 143-xildhibaan ayaa waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka xakameynta Badbaadada Dhirbeereedka iyo Takoorka, iyo akhrinta labaad e Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir beereedka, waxaana ugu horeyn guddoomiyaha Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha iyo Khayraadka Badda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed uu Golaha u akhriyay warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedyadan.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Intaasi ka dib Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka oo ka dooday qodobada hindise sharciyeedyadan ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay, waxaana ay su’aalo ka weydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulanka joogay kana jawaabayay su’aalaha ay Xildhibaannada weydiinayeen.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda hindise sharciyeedyadan dib loogu celiyay guddiga ay khuseyso, iyaga oo kusoo daraya aragtiyada iyo doodaha Xildhibaannada dibna Golaha ugu soo celin doona si akhrinta sedaxaad loo marsiiyo.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo furay Shir looga hadlayo horumarinta Aqoonsiga Dadweynaha

Next Post

Xal u helidda tabashada dhallinyarada Mooto Bajaajta oo laga wada hadlay

Next Post
Xal u helidda tabashada dhallinyarada Mooto Bajaajta oo laga wada hadlay

Xal u helidda tabashada dhallinyarada Mooto Bajaajta oo laga wada hadlay

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In