Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo faah faahiyay kulan Jabuuti ku dhexmaray isaga,guddoomiye Mursal iyo Madaxda Jabuuti+sawiiro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo faah faahiyay kulan Jabuuti ku dhexmaray isaga,guddoomiye Mursal iyo Madaxda Jabuuti+sawiiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada muqdisho waxaa ku soo Dhoweeyay xubno ka tirsan golaha Aqalka sare iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa ugu Horayn ka tacsiyeeyay geeridii marxuun Maxamed Amiin Sheekh Cilmi Xoghayihii hore gobolka Banaadir oo ku dhintay qarax argigixisada ay la beegsadeen,Wuxuuna uga tacsiyeeyay Xaaskiisa Senator Sam-sam Daahir Maxamuud iyo Eheladii uu ka geeriyooday

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha golaha Aqalka sare BFS ayaa sheegay in Guddoomiyaha golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay kulan ku yeesheen Dalka jabuuti,iyadoo ka wada hadlay howlaha horyaala baarlamaanka iyo sidii loo Dardar gelin lahaa shaqooyinka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi Ayaa ka warbixiyay Kulan ay la qaateen guddoomiyaha baarlamaanka jabuuti,waxayna isla meel Dhigeen kordhinta xiriirka ka dhexeeya labada baarlamaan Soomaaliya iyo Jabuuti,isagoo intaa ku daray in labada dhinac ay soo magacaabayaan min 6 Xubnood oo ka wada shaqeeya xiriirkasi iyo sidii loo xoojin lahaa.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi Ayaa ugu dambayn sheegay in kulankii ay la Qaateen madaxweynaha dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ay uga Mahadceliyeen garab istaagga iyo taageerada Soomaaliya ay u hayaan.

Guddoomiyaha ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu booqasho rasmi ah ku Joogay dalka jabuuti isagoo madaxda dalkaasi kulamo gaar gaar ah la qaatay.

Previous Post

Suudaan oo ku baaqday in 2020-ka la saaro ciidamada Q.M ee jooga dalkaasi

Next Post

Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda oo furay Imtixaan tacliimeedka 2019-20-20 + Sawirro

Next Post
Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda oo furay Imtixaan tacliimeedka 2019-20-20 + Sawirro

Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda oo furay Imtixaan tacliimeedka 2019-20-20 + Sawirro

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In