Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo qaabilay Raisedon Zenega

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo qaabilay Raisedon Zenega
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mudane Raisedon Zenega iyo Madaxa arrimaha siyaasadda ee UNSOM mudane Rohan Titus.

Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Dalka, howlaha ballaaran ee horyaalla Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad, dib u eegista Dastuurka KMG ah, shuruucda Doorashada Dalka iyo kaalinta Qaramada Midoobay ay uga garab siin karto howlaha ballaaran ee horyaalla Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

January 26, 2026
Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

January 26, 2026

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Aqalka Sare BJFS uu u taaganyahay gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, inuu qaato kaalintiisa isku xirka labada heer dowladeed iyo xal u helidda khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya laguna dhammeeyo waxkasta wada hadal, heshiis iyo afgarad, isla markaana Qaramada Midoobay ay garab ku siiso Aqalka Sare gudashada waajibaadkaas.

 

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda oo qaabilay quburo ka socotay Suudaan

Next Post

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo hortegay guddiga Warfaafinta ee Aqalka Sare

Next Post
Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo hortegay guddiga Warfaafinta ee Aqalka Sare

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo hortegay guddiga Warfaafinta ee Aqalka Sare

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

January 26, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya. waxaana oggolaaday...

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

January 26, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeennada koowaad...

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u furay...

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

January 26, 2026
0

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed, oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa bogaadiyey isbeddelka amni ee laga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In