Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Eng. Yarisow oo sheegay in khasaare gaaraya $35 Million oo dollar uu geysteeen Roobabkii mahiigaanka ee ka da’ay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Eng. Yarisow oo sheegay in khasaare gaaraya $35 Million oo dollar uu geysteeen Roobabkii mahiigaanka ee ka da’ay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 21 Maajo 2018 –Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in roobabkii mahiigaanka ahaa ee Caasimadda ka da’ay 48-dii saac ee la soo dhaafay ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan oo gaaraya ugu yaraan $35 Million oo dollar.

Duqa Caasimadda ayaa xusay khasaaraha ka sakow in ay jirto dhibaatooyin bini’aadanimo oo gurmad deg-deg ah u baahan, gaar ahaan cunno iyo agab caafimaad, si xaaladda wax looga qabto, isagoo xusay in maamulkiisu uu la tacaalayo xal-u-helidda dhibaatada roobabka ka dhashay iyo in goobihii ay biyuhu fariisteen laga wado olole ballaaran oo dib loogu soo celinayo bilicda.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn ka warbixiyey baaxadda khasaare ee naf iyo maalba leh oo ka dhashay daadadka roobka, waxuna tilmaamay in tirakoobkii ugu danbeeyey ee la sameeyey uu xaqiijinayo dhimashada 6 qofood oo seddex kamid ah yihiin caruur da’doodu ka yar-tahay 12 sanno, burburka guryo gaaraya 301 iyo burburka qaar kamid ah jidadka muhiimka ah ee Caasimadda, sida, Laamiga shaqaalaha ee degmada Hodan, Laamiga Dabka iyo Bakaaraha isku xira, Laamiga Cabdalla iyo Cawareero ee Warta-Nabadda, Laamiga Janaraal Daa’uud iyo Jidad kale.

Eng. Yarisow ayaa ka digay in roobabka xooggan ay sii xumeynayaan xaaladaha ka jira xerooyinka barakacayaasha oo ay ku nool yihiin barakacayaal xad-dhaaf ah, isla markaana ay barakacinayaan dad kale oo badan oo ku nool deegaannada u dhow biyo-dageenada iyo sidoo kale dad danyar ah oo ku noollaa guryo cooshado ka sameysan.

Xerooyinka Barakacayaasha ee Caasimadda waxaa inta badan ka maqan xarumo fayo-dhowr ah, sidaasi darteedna waxaa ay taasi sare u qaadeysaa halista ay ugu jiraan cudurrada faafa.

“Waxaan ugu baaqayaa Hay’adaha gargaar iyo guud ahaan cid walba oo wax haysata in cunno iyo agab caafimaad oo de-deg ah lala soo gaaro shacabka dhibaataysan, sida ay saadaashu tilmaamayso waxaa la filayaa roobab dheeri ah oo xaaladda kasii dari kara, sidaas daraadeed waa in loo diyaar garoobaa gurmadkuna noqdaa mid yimaada waqtiga ku habboon”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka Caasimadda iyo ciidamadda qaranka doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen gurmadkii la sameeyey, waxuna ka codsaday in ay sii xoojiyo gurmadka si dhibaatada looga saaro shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

DAAWO: SAWIRRADA: Roobab bur bur u geystay dhismayaal ku yaala Marka

Next Post

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In