Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Eng. Yarisow oo sheegay in khasaare gaaraya $35 Million oo dollar uu geysteeen Roobabkii mahiigaanka ee ka da’ay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Eng. Yarisow oo sheegay in khasaare gaaraya $35 Million oo dollar uu geysteeen Roobabkii mahiigaanka ee ka da’ay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 21 Maajo 2018 –Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in roobabkii mahiigaanka ahaa ee Caasimadda ka da’ay 48-dii saac ee la soo dhaafay ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan oo gaaraya ugu yaraan $35 Million oo dollar.

Duqa Caasimadda ayaa xusay khasaaraha ka sakow in ay jirto dhibaatooyin bini’aadanimo oo gurmad deg-deg ah u baahan, gaar ahaan cunno iyo agab caafimaad, si xaaladda wax looga qabto, isagoo xusay in maamulkiisu uu la tacaalayo xal-u-helidda dhibaatada roobabka ka dhashay iyo in goobihii ay biyuhu fariisteen laga wado olole ballaaran oo dib loogu soo celinayo bilicda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn ka warbixiyey baaxadda khasaare ee naf iyo maalba leh oo ka dhashay daadadka roobka, waxuna tilmaamay in tirakoobkii ugu danbeeyey ee la sameeyey uu xaqiijinayo dhimashada 6 qofood oo seddex kamid ah yihiin caruur da’doodu ka yar-tahay 12 sanno, burburka guryo gaaraya 301 iyo burburka qaar kamid ah jidadka muhiimka ah ee Caasimadda, sida, Laamiga shaqaalaha ee degmada Hodan, Laamiga Dabka iyo Bakaaraha isku xira, Laamiga Cabdalla iyo Cawareero ee Warta-Nabadda, Laamiga Janaraal Daa’uud iyo Jidad kale.

Eng. Yarisow ayaa ka digay in roobabka xooggan ay sii xumeynayaan xaaladaha ka jira xerooyinka barakacayaasha oo ay ku nool yihiin barakacayaal xad-dhaaf ah, isla markaana ay barakacinayaan dad kale oo badan oo ku nool deegaannada u dhow biyo-dageenada iyo sidoo kale dad danyar ah oo ku noollaa guryo cooshado ka sameysan.

Xerooyinka Barakacayaasha ee Caasimadda waxaa inta badan ka maqan xarumo fayo-dhowr ah, sidaasi darteedna waxaa ay taasi sare u qaadeysaa halista ay ugu jiraan cudurrada faafa.

“Waxaan ugu baaqayaa Hay’adaha gargaar iyo guud ahaan cid walba oo wax haysata in cunno iyo agab caafimaad oo de-deg ah lala soo gaaro shacabka dhibaataysan, sida ay saadaashu tilmaamayso waxaa la filayaa roobab dheeri ah oo xaaladda kasii dari kara, sidaas daraadeed waa in loo diyaar garoobaa gurmadkuna noqdaa mid yimaada waqtiga ku habboon”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka Caasimadda iyo ciidamadda qaranka doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen gurmadkii la sameeyey, waxuna ka codsaday in ay sii xoojiyo gurmadka si dhibaatada looga saaro shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

DAAWO: SAWIRRADA: Roobab bur bur u geystay dhismayaal ku yaala Marka

Next Post

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In