Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari oo furay shir looga hadlayo sameynta Maxkamadda dastuuriga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta furay shir looga arrinsanayo sharciga samaynta Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka.

Shirkaan wada tashiga ee looga hadlayo sharciga dhismaha maxkamadda dastuuriga ah oo horyaalla Barlamanka, isla markaana maray akhrinta 1aad ayaa maanta furitaankiisa waxaa ka qeyb galay Wasiirka caadaaladda, ku-xigeenkiisa, xeer ilaaliyaha guud Qaranka, guddiga garsoorka golaha shacabka Soomaaliyed iyo Wasiirka cadaladda ee maamulka Puntland.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Dhismaha madaxkamada dastuuriga ee dalka ayaa ah mid muhiim u ah dalkeena, isla markaana meesha ka saaraysa, kala aragti duwanaanshaha laga yaabo in ay soo kale dhexgasho  hay’adaha dowladda iyo mas’uuliyiinta kale .

Wasiirka Cadaalada iyo arrimaha garsoorka ee Xukumadda Federalka Soomaaliya Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) oo warasyi gaar ah sii yey Warbaahinta Qaranka ayaa tilmamay in baahi weyn loo qabo xilligan dhismaha maxkamadda dastuuriga ee dalka.

“Maxkamadda dastuurka waa mid ku qoran dastuurkeena, waana mida kala saari karta waxkasta oo dastuurka waafaqsan, waxyaabaha ay qabato waxaa ka mid ah inay dhageysato dacwooyinka dastuurka iyo waxyaabaha dastuurka lagu durayo, sidoo kale waxyaabahay isku qabsadaan dowlad goboleedyada iyo tan federaalka ah waa midda kala saari lahayd, muwaadinta xaqduuri ah ayuu leeyahay, hadii lagu xadgudbo iyada ayay shaqadeedu tahay” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda.

Maxkamadda dastuuriga ee dalka ayaa qayb wayn ka ah xoojinta hay’addaha garsoorka Soomaaliya, taas oo ah sida u kuqoran dastuurka KMG ah ee dalka in la sameeyo mar hore.

Previous Post

Ardayda Jaamacada SIU oo xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirro ka tirsan Galmudug oo kormeeray xarumaha adeegga bulshada ee Galkacyo”Sawirro”

Next Post
Wasiirro ka tirsan Galmudug oo kormeeray xarumaha adeegga bulshada ee Galkacyo”Sawirro”

Wasiirro ka tirsan Galmudug oo kormeeray xarumaha adeegga bulshada ee Galkacyo”Sawirro”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In