Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari oo iscasilaadiisa uga hor dhawaaqay Golaha Shacabka

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Jawaari oo iscasilaadiisa uga hor dhawaaqay Golaha Shacabka

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka guud ee golaha oo uu shir guddoominayay kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ugu horeyn waxaa khudbadiisa dhiibista xilka Guddoomiyanimo ee Golaha Shacabka ka jeediyay Guddoomiyihii Golaha Shacabka ee JFS Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ugu mahad celiyay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dareenkii wadanimo oo ay muujiyeen, waxaana uu si rasmi ah xilkii Guddoomiyanimo ugu celiyay Golaha oo uu maanta hor tagay.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dhowr sababoodΒ  oo uu u arkay danaha qaranka iyo badbaadada Golaha Shacabka ay keentay inuu ka tanaasulo xilkii Guddoomiyenimo ee Golaha Shacabka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Waxa uu mahad celin balaaran u jeediyay xildhibaanada Golaha Shacabka,waxaana sidoo kale wuxuu kula dar daarmay in ay iska ilaaliyaan wax walba oo sababaya burburka Golaha iyo in lagu xad gudbo.

Sidoo kale xildhibaanada Golaha ayuu kula dar daarmay in xilka uu isaga baneeyay ee Guddoomiyanimo ee Golaha ay u doortaan qof ka shaqeyn kara horumarka iyo Midnimada Golaha.

Guddoomiye Jawaari waxa uu sheegay inaanu waxba ka jirin warar tan iyo markii uu isagu is casilay lagu qorayay baraha bulshada oo ah inuu lacag ku qaaatay is casilaadiisa isagoo tilmaamay inaanu waxba ka jirin wararkaasi.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay Guddoomiyihii Golaha Shacabka inuusan Golaha meelna uga socon islamarkaana ka xildhibaan ahaan uu ka shaqeyn doono horumarka iyo midnimada dowladnimad Soomaaliyeed.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee JFS ayaa markii ugu horeysay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo doortay 28-kii Agoosto sanadkii 2012-kii isagoo ahaa ilaa dhamaadkii 2016-kii, waxaana mar kale 11-kii Bishii Januray sanadii 2017-kii loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sida uu qabo xeer hoosaadka Golaha Shacabka mudo 15-maalin ah oo ka bilaabaneysa maalinta uu gudoomiyaha iscasiladiisa Golaha ka hor sheego oo maanta ah kusoo dooranaya Gudoomiye Cusub.

Previous Post

FAALLO:Munaasabadda 12-ka Apriil ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka oo Muqdisho ka dhacday

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Xuska Sannad Guurada 58-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed+sawiro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Xuska Sannad Guurada 58-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed+sawiro

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Xuska Sannad Guurada 58-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed+sawiro

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In