Wednesday, June 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari oo kulan sagootin ah u sameeyay arday ka tirsan Jaamacadda SIU “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 23, 2015
in Wararka, Xulashada
0
Guddoomiye Jawaari oo kulan sagootin ah u sameeyay arday ka tirsan Jaamacadda SIU “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta kulan sagootin ah u sameeyay qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda SIU, gaar ahaan kuwa dhigta kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda.

Kulanka sagootinta iyo dhiirigelinta ee uu Guddoomiye Jawaari u sameeyay ardayda Jaamacadda SIU, ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Hormuudka Jaamacadda SIU Prof Yaxye Cali Ibraahim iyo mas’uuliyiin kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo ka qaatay Kaarka codeynta degmada Hodan

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo ka qaatay Kaarka codeynta degmada Hodan

June 25, 2025
Guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo wada diyaar garowgii ugu weynaa

Guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo wada diyaar garowgii ugu weynaa

June 25, 2025

Tirada ardayda oo gaareysa lixdan iyo shan arday oo wax ka barata Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda SIU ayaa waxa ay hal sano oo qeyb ka ah waxbarashadooda heerka Jaamacadeed ay ku soo qaadan doonaan Shan Jaamacadood oo ku kala yaalla Wadamada Kenya, Uganda iyo Sudan, si ay u soo qaataan aqoon kororsi la xiriirta dhameystirka heerka koowaad ee Jaamacadda.

Hormuudka Jaamacadda SIU Prof Yaxye Cali Ibraahim oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay heshiis xagga waxbarashada ah oo ay la galeen Madaxda Shantaasi Jaamacadood, si loo kobciyo aqoonta ardayda wax ka barata Jaamacadda, gaar ahaan kuwa dhigta kuliyadda caafimaadka.

“Ardaydan tiradoodu waa 65 arday, 26 ka mid ah sanadkii la soo dhaafay ayaan Uganda u dirnay, hadana Kenya ayaan markale u direynaa qaarkood, halka kuwa kawa kale aan u direyno University of Nairobi ee dalka Kenya, Jaamacadaha Makerere, Gulu, Mbarara ee Wadanka Uganda iyo Jaamacadda Ommu Durman University ee dalka Sudan, kuwaasi oo aan la soo galnay heshiis xagga isdhaafsiga ardayda iyo in ay ardayda ka caawiyaan goobaha caafimaadka oo ay adeegyadooda u dhameystiranyihiin wax lagu baro, runtii 41 ka mid ah sanadka ugu dambeeya ee Jaamacadda ayay ku jiraan, ardaydan nasiib ayay u heleen inay ka faa’iideystaan fursadda ay Jaamacadda SIU siisay” ayuu yiri Prof Yaxye Cali Ibraahim

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadalo dar daaran ah u jeediyay ardayda ayaa tilmaamay in ay tahay wax lagu farxo in arday Soomaaliyeed oo heer Jaamacadeed ah ay waxbarasho ku saabsan dhameystirka heerkooda Jaamacadeed ay ku soo qaataan Jaamacado xiriir la leh Jaamacadda ay dhigtaan ee dalka dibadiisa, si ay u noqdaan dhaqaatiirtii dalka wax u qaban lahayd.

“Waan u mahadcelineynaa Jaamacadaha is xilqaamay ee jecleystay in ardayda Soomaaliyeed ay wax baraan, Jaamacadda SIU iyana waan uga mahadcelineynaa dadaalka ay arrintan ku bixisay, waxaan idinkula dar daarmayaa in aad noqotaan dad wax u soo barta dalka, waxyaabaha la diyaarinayo ee la doonayo inay wax noqdaan waa idinka, dalkan idinku ayuu idin sugayaa ee ku dadaalla dhismihiisa iyo horumarintiisa” ayuu yiri Prof Jawaari.

Kulanka kaddib qaarka mid ah ardayda loo dirayo shanta Jaamacadood ee dalka dibadiisa ah ayaa tilmaamay inay aad ugu faraxsanyihiin fursadda ay Maamulka Jaamacadda siisay.

Waa sanadkii labaad ee Madaxda Jaamacadda SIU ay ardayda dhigata kuliyadda caafimaadka u diraan dalka dibadiisa, si ay halkaasi ugu soo dhameystirtaan semestarada ka haray heerka koowaad ee Jaamacadda, taasi oo ah astaan muujineysa horumarka waxbarasho ee ka jirta dalka.

vlcsnap-2015-07-22-16h33m04s32 vlcsnap-2015-07-22-16h33m31s35 vlcsnap-2015-07-22-16h33m46s201 vlcsnap-2015-07-22-16h34m17s244 vlcsnap-2015-07-22-16h34m36s217 vlcsnap-2015-07-22-16h35m03s233 vlcsnap-2015-07-22-16h35m09s33 vlcsnap-2015-07-22-16h35m51s148 vlcsnap-2015-07-22-16h36m01s9 vlcsnap-2015-07-22-16h36m11s104 vlcsnap-2015-07-22-16h36m44s142 wwee wweerr wwwvlcsnap-2015-07-22-16h37m15s184 vlcsnap-2015-07-22-16h37m39s165 vlcsnap-2015-07-22-16h37m51s84 vlcsnap-2015-07-22-16h38m02s206 vlcsnap-2015-07-22-16h38m34s251

Previous Post

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga oo Magacaabay Macalimiin Qaran

Next Post

Wufuud ka qeybgaleysa caleemasaarka madaxweynaha Galmudug oo gaartay Gadaado “Sawirro”

Next Post
Wufuud ka qeybgaleysa caleemasaarka madaxweynaha Galmudug oo gaartay Gadaado “Sawirro”

Wufuud ka qeybgaleysa caleemasaarka madaxweynaha Galmudug oo gaartay Gadaado "Sawirro"

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo ka qaatay Kaarka codeynta degmada Hodan

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo ka qaatay Kaarka codeynta degmada Hodan

June 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta...

Guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo wada diyaar garowgii ugu weynaa

Guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo wada diyaar garowgii ugu weynaa

June 25, 2025
0

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda, ahna Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta guddoomiyay...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Madax hore si loo dardargeliyo Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Madax hore si loo dardargeliyo Wadatashiga Qaran

June 25, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay...

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In