Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Golaha Shacabka Oo Nairobi Kula Kulmay Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya “SAWIRRO”

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Golaha Shacabka Oo Nairobi Kula Kulmay Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kula kulmay hogaamiyaha aqlabiyada Baarlmaanka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayadoo Guddoomiye Mahad Cawad ay wehliyeen Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal iyo Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Kulanka oo mudo saacado ah socday waxaa looga wada hadlay sidii loosii xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Goleyaasha Shacabka ee  Soomaaliya iyo Kenya waxaana la isla gartay in wufuud labada Baarlamaan ka kala socda ay booqasho shaqo ku kala tagaan magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho tasi oo xiriirka, iskaashiga iyo wada shaqeynta sii xoojineysa.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Intii kulanka uu socday Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxa uu u gudbiyey Baarlamaanka Kenya marti qaad uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo isagu ku marti qaaday Guddoonka Baarlamaanka Kenya iney Muqdisho yimaadaan.

Waxyaabaha kale ee muhiimka ah ee la isku af gartay waxaa ka mid ah in tababarro aqoontooda sare loogu qaadayo loo fidiyo guddiyada Golaha Shacabka Soomaaliya,maamulka iyo howlwadeennada Golaha Shacabka ayadoo tababaradaasi ay bar bar socon doonaan qibrad is weeydaarsi labada Baarlamaan dhex mara.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku tegi doona Nairobi dhowaan halkaasi oo ay heshiis wada shaqeyn kula saxiixan doonaan guddoonka Baarlamaanka Kenya.

Previous Post

Hay’adda Somali Relief Network of North America ayaa 1400 qoys oo dan yar ah u qeybisay Deeq Raashi ah

Next Post

“AKHIRSO” Maamulka G/banaadir oo amaro Amniga Muqdisho ku saabsan soo saaray

Next Post
“AKHIRSO” Maamulka G/banaadir oo amaro Amniga Muqdisho  ku saabsan soo saaray

“AKHIRSO” Maamulka G/banaadir oo amaro Amniga Muqdisho ku saabsan soo saaray

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In