Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta Caasimadda, isagoo ka dhageestay warbixina la xariira xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga magaalada iyo guulaha laga gaaray howlgallada laga fuliyay Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Yabooh ayaa ku bogaadiyay ciidanka Xasilinta Caasimadda sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugidda amniga iyo ka hortagga falalka lidiga ku ah amniga, Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ku amaanay ciidanka sida wanaagsan oo ay ula falgalaan bulshada, inta ay ku jiraan howlaha amniga la xariira.