Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyey Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyey Gaalkacyo “SAWIRRO”

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo waxaa kusoo dhaweeyey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, ku-xigeenkiisa, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Puntland, Guddoomiyaha gobolka Mudug, ku-xigeenkiisa, odayaasha
dhaqanka, haween, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Galkacyo kuwaasi oo uu mid mid u gacan qaaday.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Soo dhaweynta kaddib waxaa wafdiga Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka loosoo galbiyey xarunta Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo kulan soo dhaweyn ah kula qaatay Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

“Aad iyo aad ayaan ugu farax sannahay inaan maanta kusoo dhaweyno magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo Puntland guud ahaan Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si gaar ah ayey sharaf iyo qiimo weyn ugu leedahay Golaha wakiillada Puntland” ayuu yiri Mudane Saciid Xasan Shire Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo isna dhankiisa la hadlay saxaafadda ayaa uga mahad celiyey Guddoonka Baarlamaanka iyo shacabka Puntland sida ballaaran ee ay u soo dhaweeyeen wafdigiisa waxaana uu tilmaamay in socdaalkan uu daba socdo safar uu sanadkan horaantiisa ku yimid Puntland ilamarkaana uusan Gaalkacyo horey u imaan.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay islamarkaana khudbad ka jeediyey munaasabad uu Madaxweynaha Puntland ku daah furayey sanduuqa hormarinta gobolka Mudug oo munaasabad daaha looga rogayey lagu qabtay
magaalada Gaalkacyo.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

 

Previous Post

Baarlamanka oo maanta ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka

Next Post

Inta badan mudanayaashii mowshinka ka keenay madaxweynaha oo qaatay wadahadal “Sawirro”

Next Post
Inta badan mudanayaashii mowshinka ka keenay madaxweynaha oo qaatay wadahadal “Sawirro”

Inta badan mudanayaashii mowshinka ka keenay madaxweynaha oo qaatay wadahadal "Sawirro"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In