Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa maanta agab Nadaafadeed ku Wareejiyay Guddoomiye ku-xigeenada Arrimaha Bulshada Degmooyinka iyo Degaanada Gobolka Banaadir.
Agab iskugu jira Danbiilo Badeelo iyo fargeetooyinka lagu nadiifiyo qashinka ayee ka Gudoontay Guddoomiye ku-xigeenada Arrimaha Bulshada Degmooyinka iyo Degaanada Gobolka Banaadir.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa diirada saaraya hormarka iyo bilicda wadooyinka si loo dardargeliyo Nadaafada Caasimadda.