Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa maanta la kulmay Safiirka Ururka iskaashiga islaamka (OIC) u fadhiya Dalkeena Mudane Maxamed Bamba Maxamed.
Kulanka oo ka dhacay xarunta dhexe ee OIC ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa sida loo xoojin lahaa xariirka Hay’adda SoDMA iyo wadamada iskaashiga Islaamka, iyadoo Guddoomiye Axmed bogaadiyay garab istaaga wadamada Islaamka ee Soomaaliyala garab jogaan.
Safiir Bomba oo dhankiisa hadalka qaatay ayaa balan qaaday inuu si dhow ula shaqayn doono hay’ adda SoDMA.