Guddoomiye ku Xigeenka labaad ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug Faadumo Cabdi Cali oo maal mahaan kormeero ay ugu kuur galaysay abaaraha iyo saameeynta nolasha bulshada ee ay abaaruhu ku yeesheen ku mareeysay deegaannada fog fog ee Waqooyiga bari Gobolka Mudug ayaa maanta gaartay deegaanka Qorya -weyn, halkaas oo ay ka taagan tahay xaalad beni’aadanimo oo adag isla markaana u baahan gurmad dag dag ah.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali oo ay wehliyeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Mahad Caabi Ciise iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa markii ay gaareen deegaankaasi Qoryo weyn, waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay bulshada ku nool halkaasi, iyagoo soo dhaweeyn kadib ka warbixiyay xaaladda deegaanka oo ay xuseen in ay ka jiraan abaaro iyo biyo la’aan xoogan kadib markii ay gureen Ceelal gacmeedyo yar yar oo dadku biyaha ka cabi jireen, kuwaas oo markii horaba aan laheyn biyo nadiif ah.
Wafdigaan ayaa intaasi kadib kormeeray ceelasha ay dadku biyaha ka cabi jireen kuwaasi oo gabi ahaanba biyo yaraaday taasoo keentay in qoyasas fara badani ay isaga hayaameen deegaanka kadib markii ay waayeen baad iyo biyo.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Cali ayaa intaasi kadib usameysay dadka deegaanka biyo dhaamin aan sidaas u badneyn, balse ay uga gol laheyd bad baadinta inta tabarta yar ee ku hartay halkaasi iyadoo dhanka kalana codsatay in si dag dag ah loogu soo gurmado guud ahaan deegaannada fog fog ee ku yaala dhanka Waqooyi Bari ee Gobolka Mudug.