Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo furay shirka Golayaasha sharci dejinta Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo furay shirka Golayaasha sharci dejinta Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka Golaha Afhayeenada Golayaasha sharci dejinta Soomaaliya oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo oo soo dhoweeyay Wafuudda shirka ka qeyb galeysa.

 

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka Jubaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele Sheekh Cusmaan Barre oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa soo dhoweeyay shirkan.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  oo shirka si rasmi ah u furay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in golayaasha xeer dejinta dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay la yimaadaan hannaan la isaga warqabi karo heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed, Dowlad goboleedka puntlana uu sheegay in looga baahanyahay in ay si gaar ah arrintaas xil isaga saarto.

Gudddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in golaha shacabka ay mas’uuliyad ka saarantahay sidii shuruucda dalka loo dejinayo ay u noqon laheyd kuwo laga talo geliyo golayaasha xeer dejinta Dowlad Goboleedyada, Sidoo kale arrinta dib u eegista Dastuurka ayuu sheegay in cutub  walba oo dastuurka ah loo baahanyahay in ay talo ku yeeshaan Dowlad Goboleedyada.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Golaha Shacabka ay ka go’antahay in la sii xoojiyo, lana dar dar geliyo wada shaqeynta iyo iskaashiga golayaasha xeer dejinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, muhiimna ay tahay in kulamada noocaan ah la joogteeyo.

Dhinaca kale wafuuda shirkan ka qeyb galeysa ayaa kormeer howleed maanta ku tagay Xarumaha qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Puntland oo ay qeyb qeyb u kormeereen iyo sidoo kale Xarunta golaha wakiilada ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxayna kulan la qaateen Guddoonka Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland.

Previous Post

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada hadlay Iskaashi Ciidamada iyo Amniga

Next Post

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Guddoomiyay Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay “SAWIRRO”

Next Post
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Guddoomiyay Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay “SAWIRRO”

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Guddoomiyay Shirka Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In