Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda sare ee Galmudug kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.
Wareegtada ayaa u qorneyd sidan:-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug
Markuu arkay :- Qodobka 50aad farqadiisa 5aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug
Markuu arkay:- Qodobka 6aad ee Dastuurka DGGM ee qeexaya sareynta sharciga
Markuu arkay:- Qodobka 18aad ee Dastuurka DGGM ee qeexaya dhowrista xaquuqda eedeysanaha
Markuu garowsaday:- Baahida loo qabo dhameystirka hay’adda garsoorka GM
Markuu helay soo jeedinta:- Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee DGGM/
Markuu la tashaday:- Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug
Wuxuu soo saaray Xeerkan
Qodobka 1aad
Wuxuu u magacaabay mudane Cabdiqaadir Maxamed Cilmi Guddoomiye ku-xigeenka maxkamadda Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug
Qodobka 2aad
- Waxaa la farayaa dhamaan hay’adaha kala duwan ee Dowlad Goboleedka Galmudug inay la shaqeeyaan Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee la magacaabay, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.
Qodobka 3aad
- Xeerkan wuxuu dhaqan galaaya markuu saxiixo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, waana uu saxiixay.