Thursday, November 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Mursal “Madaxdii saxiixay heshiiska doorashada iyagaa looga fadhiyaa dalka inay doorasho ka Qabtaan”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Mursal “Madaxdii saxiixay heshiiska doorashada iyagaa looga fadhiyaa dalka inay doorasho ka Qabtaan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlayey madasha aragti wadaagga ee Heritage oo maanta ka furatay Garoowe ayaa ka hadlay marxaladda doorashada ee xilligan, isagoo xusay in madaxda Qaranka iyo madaxda dawlad goboleedyada ay leeyihiin doorka ugu muhiimsan ee qabashada doorashada

Waxa uu sheegay in 26-dii bishii September ee sanadkan Baarlamaanka dalku ansixyey heshiiskii siyaasadeed ee doorashada ee ay Muqdisho ku gaareen madaxda dawladda iyo dawlad goboleedyada, kaas oo qeexaya habraaca iyo shuruucda loo marayo doorashada, maadaama la gaari waayey doorasho qof iyo cod ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025

“Madaxdii saxiixay heshiiska doorashada iyagaa looga fadhiyaa dalka inay doorasho ka qabtaan” iyagaa looga fadhiyaa inay la fariistaan oo qanciyaan ciddii tabasho qabta, heshiiska kuma qorna in cid cusub lagu soo daraa” ayuu yiri Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Baarlamaanka dalka mudda xileedkiisii 4-ta sano ahaa uu dhammaaday 27-dii bishan, balse uu jiro qodob Dastuuri ah oo qeexaya inaan la ogolaanin firaaq Baarlamaani ah, sidaa darteed wali uu Baarlamaanku sii shaqaynayo isagoo leh awoodihiisii in hay’adaha dawladda uu kula xisaabtamo fulinta sharciga.

Qodobkaas ayuu sheegay Guddoomiye Mursal inay ka dhalanayso inay madaxda dalka kula xisaabtamaan fulinta heshiiskii doorashada, waxaana uu ku booriyey in wixii caqabad ah laga wada hadlo, iyadoo laga maarmayo in dalka dibaddiisa khilaafyada lagu xaliyo, lagana fogaanayo dib u dhac iyo xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo sheegay in dowladda ay ka go’antay qabsoomidda doorashada “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ku baaqay in laga heshiiyo mabaadii’da ku saleysan Dastuurka

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ku baaqay in laga heshiiyo mabaadii’da ku saleysan Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ku baaqay in laga heshiiyo mabaadii’da ku saleysan Dastuurka

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta...

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In