Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Muuddey iyo madax kale oo ka tirsan DFS oo ka qeyb-galay abaalmarinta Shirkadda xawaaladda Taaj oo noqotay midda ugu wanaagsan Afrika+sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Muuddey iyo madax kale oo ka tirsan DFS oo ka qeyb-galay abaalmarinta Shirkadda xawaaladda Taaj oo noqotay midda ugu wanaagsan Afrika+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad  loogu dabaal dagayay Xawaaladda Soomaaliyeed ee Taaj oo ku guuleysatay Xawaaladaha  ugu fiican  sanadkaan ee dhaqan galisa sharciyada caalamiga ah ee xawaaladaha  Afrika ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho waxaana ka qeybgalay gudddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha Shacabka wasiirada Maaliyadda,Warfaafinta,Boosatada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Abaal marinta waxaa shirkadda  guddoonsiiyey hey’adda ACCPA  oo ah mid ka mid ah sadexda  hey’adood ee ugu weyn dunida ee ka shaqeeya hubinta hufnaanta Maaliyadda.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Maamulaha Xawaalada Taaj Cali Maxamuud Guuleed ayaa sharxay sida abaalmarintaan  ay ku heleen.

“Waxaan abaalmarintaan uga  guuleysanay  waddamo naga hormarsan, waxaana ku gaarnay hubinta Bangiga  dhexe ee habka xawaaladuhu u shaqeeyaan” ayuu yiri Cabdulaahi Maxamed Sheekh

Guddoomiyaha Shirkada isgaarsiinta ee hormuud Axmed Maxamuud yuusuf oo isna  ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in abaalmarintan ay usoo galeen dadaal wayn sidii ay u noqon lahaayeen xawaalada ugu fiican qaarada Afrika.

“Meel hoose ayay ka soo bilaabeen waxayna marayaan heer ay ku guuleysteen xawaaladda ugu fiican qaaradda Afrika, Taaj hadii ay fiican tahay waxaa weeye Hormuud baa fiican waa hooyada Taaj iyo shirkaddo kale” ayuu yiri Axmed Maxamuud Yuusuf

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hambalyo iyo bogaadin uu ujeediyey Maamulka  xawaalada Taaj kadib  waxaa uu tilmaamay in  guusha ay gaareen ay  astaan u tahay halka ay  Soomaaliya ka taagan tahay Hufnaanta Maaliyadda Dalka.

” In nala aaminay waxaa astaan u ah guusha maanta ay gaartay xawaaladda Taaj, Xawaalada iyo bangigaba  lama ilaawi karo waxaana  ka shaqaynaynaa inaan u fududeyno wax walba oo ay u baahan yihiin.” Ayuu yiri wasiir beyle.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee  Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isna yiri “Hambalyo ayaan leenahay shirkadda Taaj guusheeda waxaa sabab u ah maamulkeeda waana  ku amaanayaa”

Wasiirka Boosatada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada  Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur Xasan  ayaa waxa uu  sheegay in Abaalmarintaan ay tahay  guul wayn oo ay u soo hoyeen  dhammaan shirkadaha Soomaaliyeed, Taasina ay dhiira galin u noqonayso  shirkadaha kale ee dalka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey oo Taaj ku dhiiragaliyay guusha ay gaartay ayaa  ku baaqay in wax laga qabto dhibaatooyinka haysta shirkadaha isgaariisiinta iyo xawilaadaha.

“Hadii la dhihi jiray shirkadaha waxay la shaqeeyaan argagixisada waa been maantana waxay keeneen abaalmarintaan oo marqaati ka  ah inay si sharci ah u shaqeeyaan, dowladda waxaan leenahay masuuliyad iska saara ka jawaabidda dhibaatada ay ka cabanayaan shirkadaha maadaama ay tahay  dhibaato u baahan in xil la iska saaro” ayuu yiri Gudoomiye Cabdiwali ibraahim muudeey.

Sidoo kale masuuliyiin ka socotay Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo goobjoog ka ahaa munaasabada ayaa yana  bogaadiyey guusha ay gaareen shirkada xawaalada ee Taaj

Cabdishakuur Cali Axmed

Previous Post

R/wasaare Khayre oo garoonka kubadda Cagta Dr Ayuub kula hadlay shacabka Baydhabo+sawirro

Next Post

Wasiir Goodax iyo xildhibaanada laga Soo doorto deegaanada puntland oo ka wada hadlay horumarinta waxbarashada dalka+sawirro

Next Post
Wasiir Goodax iyo xildhibaanada laga Soo doorto deegaanada puntland oo ka wada hadlay horumarinta waxbarashada dalka+sawirro

Wasiir Goodax iyo xildhibaanada laga Soo doorto deegaanada puntland oo ka wada hadlay horumarinta waxbarashada dalka+sawirro

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In