Friday, November 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo 300 ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafadda

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
4 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo 300 ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa 300 oo ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Dowladda Hoose ee Xamar si loo dardargeliyo Nadaafada iyo Bilicda Caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu muddooyinkaanba ku howlanaa, dib u qaabeynta iyo howlgelinta shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda iyo sameynta xeer nidaamiye qaabeynaya shaqada shaqaalaha, si qof weliba uu u helo xuquuqdiisa aasaasiga ah, isla markaana bulshada caasimadda ay u helaan adeegyada ay ugu baahan yihiin Dowladda Hoose ee Xamar.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 27, 2025
Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

November 27, 2025

“Bulshada canshuur bixiyeyaasha ah waa in ay helaan adeegyada kala duwan ee aasaasiga ah sida, in ay helaan dugsiyo waxbarasho oo lacag la’aan ah, adeeg caafimaad, jidad hagaagsan oo nadaafad iyo bilic leh” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab oo xusay in canshuurta laga qaado muwaadinka uu noqon doonno mid dib loogu celiyo, taas oo ka mid ahayd ballan qaadyo uu horay duqu ugu sameeyay shacabka caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaan) ayaa sheegay in waaxda nadaafada aysan noqon doonin mid ku shaqeysa oo kaliya iskoobe, balse dhawaan ay heli doonaan gawaari waa weyn oo casri ah, xarumo iyo xafiisyo ay ku shaqeeyaan.

 

   

Previous Post

Wasiirka Beeraha XFS oo daah furay tababar dhalinyaro Soomaaliyeed lagu barayo adeegsiga gaadiidka Cagafta

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee XFS oo kulan la qaatay Guddiga loo xilsaaray gurmadka abaarta ee gobolka Awdal

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee XFS oo kulan la qaatay Guddiga loo xilsaaray gurmadka abaarta ee gobolka Awdal

Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee XFS oo kulan la qaatay Guddiga loo xilsaaray gurmadka abaarta ee gobolka Awdal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha seddaxaad ee...

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

November 27, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay...

Wasiirka Dekadaha XFS oo shir doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO

Wasiirka Dekadaha XFS oo shir doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO

November 27, 2025
0

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In