Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo 300 ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafadda

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
9 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo 300 ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa 300 oo ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Dowladda Hoose ee Xamar si loo dardargeliyo Nadaafada iyo Bilicda Caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu muddooyinkaanba ku howlanaa, dib u qaabeynta iyo howlgelinta shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda iyo sameynta xeer nidaamiye qaabeynaya shaqada shaqaalaha, si qof weliba uu u helo xuquuqdiisa aasaasiga ah, isla markaana bulshada caasimadda ay u helaan adeegyada ay ugu baahan yihiin Dowladda Hoose ee Xamar.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

“Bulshada canshuur bixiyeyaasha ah waa in ay helaan adeegyada kala duwan ee aasaasiga ah sida, in ay helaan dugsiyo waxbarasho oo lacag la’aan ah, adeeg caafimaad, jidad hagaagsan oo nadaafad iyo bilic leh” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab oo xusay in canshuurta laga qaado muwaadinka uu noqon doonno mid dib loogu celiyo, taas oo ka mid ahayd ballan qaadyo uu horay duqu ugu sameeyay shacabka caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaan) ayaa sheegay in waaxda nadaafada aysan noqon doonin mid ku shaqeysa oo kaliya iskoobe, balse dhawaan ay heli doonaan gawaari waa weyn oo casri ah, xarumo iyo xafiisyo ay ku shaqeeyaan.

Previous Post

Wasiirka Beeraha XFS oo daah furay tababar dhalinyaro Soomaaliyeed lagu barayo adeegsiga gaadiidka Cagafta

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee XFS oo kulan la qaatay Guddiga loo xilsaaray gurmadka abaarta ee gobolka Awdal

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee XFS oo kulan la qaatay Guddiga loo xilsaaray gurmadka abaarta ee gobolka Awdal

Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee XFS oo kulan la qaatay Guddiga loo xilsaaray gurmadka abaarta ee gobolka Awdal

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In