Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Muungaab oo dhagax dhigay waddo laami ah oo laga hirgelinayo Hodan “SAWIRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Muungaab oo dhagax dhigay waddo laami ah oo laga hirgelinayo Hodan “SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka ayaa maanta dhagax dhigay waddo laami ah oo laga hirgelinayo degmada Hodan.

Wadadan ayaa ka bilaabanaysa isgoyska Taleex, taasi oo ku eg ilaa iyo jidka wadnaha, iyadoo mashruucan ay taabo gelineyso dowladad Norway, oo Maamulka Gobolka banaadir u soo marsiisay dhanka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda, waxaana ay qeyb lixaad leh ka qaadan doontaa bilicda caasimadda.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

“Waxaan dowladda Norway uga mahadcelineynaa mashruucan dib u dhiska ah ee ay caasimadda ka waddo, taasi oo ay inoo soo marsiisay Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya, sidoo kale shirkadda ku guuleysatay fulinta dhismahan inay si cadaalad ah ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed oo ay sare u qaadaan waxyaabaha danta guud, laamiga ay dhisayaana uu noqdo mid tayo leh” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ayaa sidoo kale baaq u diray hay’adaha sharci dajinta iyo fulinta inay u istaagaan sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarka dalka, oo laga tago waxkasta oo dib u dhac u keeni kara, dadaallada ay dowladda Federaalka ah waddo ee ku aadan hiigsiga 2016.

Guddoomiyaha ayaa yiri: “Waxaan baaq u dirayaa dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowladda, in waqtiga uu gaabanyahay, howsha nootaala ay badantahay, loona baahanyahay in si wada jir ah howshaasi looga mira dhaliyo, oo loo istaago sidii loo gaari lahaa horumarka la tiigsanayo”.

11873538_791783350934457_6917037385899250774_n 11885154_791783180934474_4785094095986320396_n 11889525_791783060934486_5863869843841087014_n 11891066_791783607601098_2522138737697863319_n 11924905_791783014267824_941500249153810001_n (1) 11924905_791783014267824_941500249153810001_n 11935035_791783087601150_4900225834530908937_n 11960271_791783117601147_6334074688719656705_n

Previous Post

Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxyadi ka dhacay Muqdisho iyo Kismaayo

Next Post

Howlgal dad lagu soo qab qabtay oo xalay laga sameeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Howlgal dad lagu soo qab qabtay oo xalay laga sameeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Howlgal dad lagu soo qab qabtay oo xalay laga sameeyay Muqdisho "SAWIRRO"

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In