Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.
Ergeyga oo marka hore warbixin ka siiyay halka ay mareeyso arrimaha wadahadallada Soomaaliland iyo kullamada wadatashi ee uu la yeelanaayo madaxda sare ee dalka, ayaa wuxuu Guddoomiyaha la wadaagay howsha culus ee hortaala, isagoona muujiyay sida Jamhuuriyadda Federaalka gaar ahaan laanta sharci dejinta ay u garab taagan tahay nabadda iyo xasiloonida shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa gunnaanadka kullankooda waxaa uu Ergeyga kula dardaarmay in uu sii amba qaado isla-markaana uu juhdi dheeraad ah ku bixiyo wadatashiga ku aaddan ka gun-gaarista wadahadallada Soomaaliland ee dhawaan dib u billaaban doono.