Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Shuute “Saraakiishu waxey ku amranyihiin cid walba oo muwaadin naftiisa ama hantidiisa dhibaateysa in nolol ama geeri lagu keeno”

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Shuute “Saraakiishu waxey ku amranyihiin cid walba oo muwaadin naftiisa ama hantidiisa dhibaateysa in nolol ama geeri lagu keeno”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha hoose waxaa ka dhacay kulan dhexmarey Odayaasha Dhaqanka degmada iyo Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada,iyada oo Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada ay sheegeen in tallaabo laga qaadayo dadkii ka dambeeyey dhibaatadii ka dhacdey.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur “Shuute” ayaa sheegay in Ciidamada & Saraakiisha DANAB ay amar Maxkamadeed u qabaan inay Nolol ama geeri ku keenaan qofkii maanta kaddib  dhibaateeya muwaadin Soomaaliyeed naftiisa iyo maalkiisa, isagoo xusay in cidii isku daydo in ay difaacdana ay la mid tahay.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiyaha ayaa sheegay in wixii Walanweyn ka dhacay ay ahaayeen wax ka fog Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed isagoo sheegay in dadkii ka dambeeyay  dhibaatadaas ay mari doonaan ciqaabta ay mudanyihiin.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka caddaaladda Koofur galbeed, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur galbeed.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Xudeydi

Next Post
Wasiir Maareeye iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u amba-baxay dalka Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan Xudeydi

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In