Monday, October 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Tuulax oo xalay kormeeray hanaanka suggida Ammaanka Degmada Wadajir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Tuulax oo xalay kormeeray hanaanka suggida Ammaanka Degmada Wadajir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye Ku-xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa xalay kormeer ku sameeyay hanaanka loo suggo ammaanka Degmada Wadajir.

Related posts

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026

Guddoomiye Tuulax oo uu wehliyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir Cumar Cabdulaahi Xasan iyo Taliyaha Qaybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Somaliya Yuusuf Xundubey, ayaa u kuurgalay Afarta Waaxood ee ay ka kooban tahay Degmada Wadajir.

Mas’uuliyiintaan ayaa socod lug ah ku maray dhamaan Afarta Waaxood ee Degmada Wadajir, halkaasi oo ay ku soo arkeen Ciidamada ammaanka oo shaqeynaya, islamarkaana ku jira xaaladda suggida ammaanka shacabka Degmadaasi.

Guddoomiyaha ayaa Ciidanka ku dhiirageliyay inay sii laba jibaaraan masuuliyadda ka saaran suggida ammaanka, si shacabka Somaliyed ee Degmadaasi ku nool nabad ay ugu seexdaan uguna soo toosaan.

Guddoomiye Tuulax ayaa sheegay Kormeerka suggida ammaanka Degmooyinka inuu yahay mid joogto ah oo loogu kuur galaayo, xilliyada habeenkii iyo maalintii sida ay u shaqeeyaan Ciidanka amniga ee Degmooyinka Muqdisho ka hawlgala.

“Waxaan kormeer ku tagnay qeybaha kala duwan ee Degmada Wadajir gaar ahaan Saldhiga iyo 4-ta Waax ee Degmada halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka hawlgalaya waax walba, waxaana socod ku marnay 4ta waax ee degmada wadajir.”

“Kormeerkaan ayaa ah mid joogto ah oo aan ku sameyn doono laamaha kala duwan ee amniga xiliyada maalinkii iyo habeenkii si aan u hubino shaqada iyo wada shaqaynta dhaxdooda ah.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Gudoomiye Tuulax.

Ciidanka amniga ee ka hawlgala Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa habeen & maalin u taagan suggida ammaanka Degmooyinka iyo ka hortagga falalka guracan ee Kooxaha  Nabaddiidka ay soo maleegaan.

–DHAMAAD–

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha New Zealand hoggaamiye fariid ah

Next Post

Somali foreign minister describes Prime Minister Jacinda Ardern of New Zealand as exceptional leader

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha New Zealand hoggaamiye fariid ah

Somali foreign minister describes Prime Minister Jacinda Ardern of New Zealand as exceptional leader

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In