Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Tuulax oo xalay kormeeray hanaanka suggida Ammaanka Degmada Wadajir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Tuulax oo xalay kormeeray hanaanka suggida Ammaanka Degmada Wadajir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye Ku-xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa xalay kormeer ku sameeyay hanaanka loo suggo ammaanka Degmada Wadajir.

 

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

Guddoomiye Tuulax oo uu wehliyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir Cumar Cabdulaahi Xasan iyo Taliyaha Qaybta Galbeed ee Ciidanka Booliska Somaliya Yuusuf Xundubey, ayaa u kuurgalay Afarta Waaxood ee ay ka kooban tahay Degmada Wadajir.

Mas’uuliyiintaan ayaa socod lug ah ku maray dhamaan Afarta Waaxood ee Degmada Wadajir, halkaasi oo ay ku soo arkeen Ciidamada ammaanka oo shaqeynaya, islamarkaana ku jira xaaladda suggida ammaanka shacabka Degmadaasi.

Guddoomiyaha ayaa Ciidanka ku dhiirageliyay inay sii laba jibaaraan masuuliyadda ka saaran suggida ammaanka, si shacabka Somaliyed ee Degmadaasi ku nool nabad ay ugu seexdaan uguna soo toosaan.

Guddoomiye Tuulax ayaa sheegay Kormeerka suggida ammaanka Degmooyinka inuu yahay mid joogto ah oo loogu kuur galaayo, xilliyada habeenkii iyo maalintii sida ay u shaqeeyaan Ciidanka amniga ee Degmooyinka Muqdisho ka hawlgala.

“Waxaan kormeer ku tagnay qeybaha kala duwan ee Degmada Wadajir gaar ahaan Saldhiga iyo 4-ta Waax ee Degmada halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka hawlgalaya waax walba, waxaana socod ku marnay 4ta waax ee degmada wadajir.”

“Kormeerkaan ayaa ah mid joogto ah oo aan ku sameyn doono laamaha kala duwan ee amniga xiliyada maalinkii iyo habeenkii si aan u hubino shaqada iyo wada shaqaynta dhaxdooda ah.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Gudoomiye Tuulax.

Ciidanka amniga ee ka hawlgala Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa habeen & maalin u taagan suggida ammaanka Degmooyinka iyo ka hortagga falalka guracan ee Kooxaha  Nabaddiidka ay soo maleegaan.

–DHAMAAD–

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha New Zealand hoggaamiye fariid ah

Next Post

Somali foreign minister describes Prime Minister Jacinda Ardern of New Zealand as exceptional leader

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku tilmaamay Ra’iisul Wasaaraha New Zealand hoggaamiye fariid ah

Somali foreign minister describes Prime Minister Jacinda Ardern of New Zealand as exceptional leader

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In