Sunday, September 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Yariisow iyo safiirka Qatar oo dhagax-dhigay dib u dhiska Masjidkii Suuqa Afleershe+sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Yariisow iyo safiirka Qatar oo dhagax-dhigay dib u dhiska Masjidkii Suuqa Afleershe+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad kooban oo lagu dhagax dhigayay dib u dhiska Masjidkii Suuqa Afleyrshe ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho,waxaa ka qeybgalay C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir wasaaradda Awqafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya,guddoomiyaha Gobolka Banaadir,xildhibaano,safiirka dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya iyo madaxa Hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya oo hirgelinaysa mashruuca dib u dhiska masjidka Cabdinuur Xaaji Cali.

Seynab Yuusuf Wehliye oo ah guddoomiyaha Degmada Boodheere ayaa ka codsatay maamulka gobolka Banaadir in la baneeyo dhulkii uu masjidkasi lahaa.

Related posts

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

September 6, 2026
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 5, 2026

Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyay Hay’adda qadar Charaty oo maalgelinaysa dib u dhiska masjidkan shacabkuna ugu baaqey in ay baneeyeen dhulkaasi.

“Waxaa sharaf inoo ah in mant aaan halkan ka dhagax dhigno Masjidkii Suuqa Afleershe oo loo dhisidoono sida masaajidda casriga ah ee ka dhisan Khaliijka oo kale,marka waxaan u mahadcelinayaa Hay’adda Qadar charity,waa waxyaabo kheyr badan in la dhiso masjid,runtii Kaalmada ay inoo fidinayaan Qadar charity,anagana waxaa nalaka rabaa in aan ka qeyb qaadanayo dib u dhiskiisa,waana qeyb kamid ah bilic soo celinta”. Ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Wasiiru dowlaha Owqaafta iyo arrimaha Diinta XFS C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir ayaa sheegay in Wasaaraddu ay xil gar ah iska saari doonto la socodka arrimaha la xiriira goobaha cibaadada si loo xoojiyo fidinta diinta.

“Waxaan u mahadnaqayaa cidkasta oo ka qeyb qaadanaysa dhismaha MAsjidkan Hay’adda Qadar,iyo shacabka dhamaan iyo maamulka gobolka oo fududeynaya,waxaa ay ila tahay in aan maant aisugu nimid camal aad u wanaagsan,anaga waxaan si dhow ula soconaaa goobaha cibaadada in dhulalkooda si shaqsi ahaan loo qaadanayo,marka arrimahaasi waa in la joojiyaa,wasaaradduna waxaa ay wadaa sidii dhulalkii masaajidda loo soo celin lahaa”. Ayuu yiri

Masjidkan kuyaala Suuqa Afleershe Xaafadda Daljir degmada Boondheere  ayaa la dhisay sanadka markuu ahaa 1932,iyadoo uu kamid yahay xarumaha danta guud oo sanadihii ugu dambeeyey burbursanaa.

Previous Post

Maxkamadda Sare ee C.Q.S oo ku raacaday xukun ay horay u riday maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir + Sawirro

Next Post
Dhegeyso Barnaamijka Wadajir + Sawirro

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir + Sawirro

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaqan-gelinta Xeer Wasiir Lr. 0001/26 iyo Habraaca Kumeelgaarka ah ee Maamulka iyo Diiwaangelinta Hay’adaha Dhaqanka iyo Farshaxanka Dalka. Ku:...

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Wakiilka cusub ee hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 5, 2026
0

 RADIO MUQDISHO:- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Khawaarijta

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Buula Fulaay...

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Beledweyne

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Beledweyne

September 5, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo wehliyo Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In