Wednesday, April 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Yarisow “Haweenka la’aantood dawladda ma shaqeyn karto waayo waa laf-dhabarka bulshada”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Yarisow “Haweenka la’aantood dawladda ma shaqeyn karto waayo waa laf-dhabarka bulshada”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 21 Feb, 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay ururada Haweenka Gobolka, isagoo ku bogaadiyey kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin hor-u-socodka Caasimadda.

Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyey in wada shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa Haweenka Soomaaliyeed iyo maamulka ay furo u tahay soo celinta amniga Caasimadda iyo guud ahaan gobolka Benaadir.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026

“Haweenka la’aantood, dawladda ma shaqeyn karto waayo waa laf-dhabarka bulshada, kaalintiinuna waa mid muhiim ah maadaama aad sidoo kale door weyn ka ciyaari kartaan horumarka iyo dhismaha dalka. Idinkoo adeegsanaya fursadahaas waa in aad ka shaqeysaan sidii loo heli lahaa ummad midaysan oo ka fekeraysa mustaqbalka dalka iyo dadkooda”.Ayuu yiri Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.

Qaar kamid ah Haweenkii kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha sida ay uga go’an tahay in door muhiim ah ay ka ciyaaraan maamulka siyaasadda dalka, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan horumarinta bulshada ku nool Caasimadda.

Eng.Yarisow ayaa ugu baaqay bulshada gobolka Benaadir in ay ka wada qeyb qaataan Todobaadka Nadaafadda oo ku beegan bil walba dhammaadkeeda, kaas oo dhaqan soo jireen u ah daadallada bilicda iyo nadaafadda ee ay sida wada jirka ah uga wada shaqeeyaan bulshada iyo Maamulka.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay Shabeellooyinka

March 31, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo ay...

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

Xukka Qaranka Soomaaliya oo guul muhiih ah gaaray

March 31, 2026
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa gaaray guul taariikhi ah kaddib ciyaar adag oo ay la yeesheen dhiggooda Mauritius,...

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In