Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Yarisow oo kormeeray goobaha ay ka socdaan howlaha bilic soo celinta Degmooyinka Gobolka Benaadir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Yarisow oo kormeeray goobaha ay ka socdaan howlaha bilic soo celinta Degmooyinka Gobolka Benaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 20ka Abriil, 2018– Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kormeeray goobaha ay ka socdaan howlaha bilic soo-celinta iyo nadaafadda Gobolka.

Guddoomiyaha oo goobahaas kula kulmay masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ayaa faray in ay dardar geliyaan howlaha bilicda iyo nadaafadda, maadama la galay xilli roobaadka, loona baahanyahay in shaqo badan laga qabto gudaha magaalada.

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

Guddoomiyaha oo tilmaamay mudnaanta ay siinayaan ilaalinta bilicda iyo faya dhowrka Caasimadda ayaa sheegay in Maamul ahaan ay kala shaqeeynayaan degmo kasta oo ka tirsan Gobolka Benaadir sidii ay ugu fududeeyn lahaayeen qalabka iyo taageerada muhiimka u ah howlaha nadiifinta iyo ilaalinta deegaanka.

“Masuuliyad wayn ayaa maamulka degmooyinka ka saaran in ay ka shaqeeyaana nadiifinta goobaha ay biyaha iyo caradu fariisteen kaddib roobabkii da’ay, sidaas darteed waxaan farayaa in ay u gutaan masuuliyaddaas sida ugu haboon uguna macquulsan, sababtoo ah ma aqbali karno in ay hoos u dhacdo bilicda iyo nadaafadda Caasimadda shacabka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Eng.Yarisow.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in uu si dhow ula socon doono shaqooynka ay ka qabtaan Maamulka Degmooyinku iyo laamaha faya dhowrka heer Gobol ilaalinta bilicda iyo nadaafadda, iyadoona kormeerro joogta ah oo ku saabsan arrinkan uu degmo kasta ku tagi doono.

Guddoomiyaha ayaa ugu baqaay shacabka Gobolka Benaadir in ay la shaqeeyaan howl-wadeennada u taagan habeen iyo maalin ilaalinta bilicda iyo faya dhowrka Gobolka, isagoona si gaar ah uga codsaday gaadiidleeyda in ay dul-qaataan wakhtiyada kooban ee laga shaqeeynayo daryeelka waddooyinka gudaha magaalada.

–DHAMMAAD—

Previous Post

Soomaaliya Oo U Gudubtay Semi Final-ka Cecafa

Next Post

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo sheegtay in 19-ka bisha May 27-kun oo arday ay u fariisan doonaan imtixaanada mideysan ee dugsiyada dalka

Next Post
Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo sheegtay in 19-ka bisha May 27-kun oo arday ay u fariisan doonaan imtixaanada mideysan ee dugsiyada  dalka

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo sheegtay in 19-ka bisha May 27-kun oo arday ay u fariisan doonaan imtixaanada mideysan ee dugsiyada dalka

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In