Kulankaan oo ahaa kulan talo wadaag ah oo ay ka qeybgaleen Guddoomiyeyaasha dhallinyarada gobollada Hiiraan, Jubbooyika, Gobolka banaadir iyo qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha dhallinyarada degmooyinka gobolka banaadir ayaa looga hadlay xaaladaha ay dhallinarada ay ku suganyihiin.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu yahay mid lagu mideynayo dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana uu intaa ku daray in kulankii maanta uu guul ku soo dhamaaday.
Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha dhallinyarada oo kulanka ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in kulankan uu ahmiyad gaar u leeyahay dhallinyarada Soomaaliyeed, loona baahanyahay in la joogteeyo kulamada nuucaani oo kale ah ee loo qabanayo dhallinyarada.
Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in kulamada nuucaani oo kale ah ay joogteen doonaan, isla markaana kulankii maanta ay wax badan isla meel dhigeen.
“Maanta waxaa xafiiska dhalinyarada Gobolka Banaadir ku qaabilay dhallinyaro ka socotay Gobolada dalka, waxa uuna ku saabsan mid aan uga wada tashaneyney aayaha dalka, waxaana isku raacday in aan booqano qaar ka mid ah gobollada dalka oo aan noqono dad isku xiran” ayuu yiri Guddoomiye Makaraan.