Qof naftiisa haligay ayaa goordhow isku qarxiyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose iyo dad shacab ah, xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee xarunta degmada.
Guddoomiyihii degmada Marka Cabddullaahi Cali Axmed Wafoow iyo ugu yaraan afar qof oo kale ayaa naloo xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen qaraxaas, waxaana jira dhaawacyo kale.